Home Afsomali Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo sheegay in la soo qanayo Axmed Madoobe iyo...

Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo sheegay in la soo qanayo Axmed Madoobe iyo Xidig

Wararka ka imaanyo Gobolka Gedo ayaa sheegaya  in ay sii kordhayaan bartilmaamed siga lagu hayo dadka taageersan Maamulka jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), sidoo kalane  lagu raad joogo

Mas’uuliyinta Dowladda ee jubbland ku sugan ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ay soo qabtaan xubnaha taageersan Maamulka Jubbaland ee uu hogaanka  u hayo  Madaxweyne Axmed Madoobe.

Soo qabashada Xumnahan ayaa bilaabatay kadib markii ay heshiis ay wada gaareen Xubnaha mucaaradka iyo madaxewynaha Maamulka jubbaland Axmed maxamed islaam Axmed madoobe kuwaas oo sheegey in ay dhisayaan jubbaland loo dhanyahay islamarka ay ka soo horjee teen Mas’uulin kusugan gobalka gedo sida ay inoo xaqiijiyen ilo xog ogaal ah

Cismaan Nur Xaaji gudoomiyaha Gobolka Gedo oo wareysi siiyey idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Cid walba oo jubbaland taagersan oo kusugan  gobolka gedo in ay soo qabanayaan ay xabsiga dhigayaan sido kalana ay sharciga la tiigsan doonan asagoona xusey in Hogaamiyasha sare ee Jubbaland Oo ay kamid yihin  madaexweyne Axmed madoobe iyo xubnaha mucaaradka ee heshiis ka galay ay  rajo weyn ka qaban is ay gacanta kusoo dhigan.

Hadalka gudoomiye Cismaan ayaa ku soo aadayo ayadoo khilaaf uu soo kala dhex galay Xubnaha mucaaradka iyo Madaxwetne Axmed mabooe kuwaas oo heshiis ay sheegen in ay kusoo dhisanyaan Jubbaland israacdo ay  ku soo  gaaray magaaladda Nairobi ee dalka kenya ayadoona ay ka ay diiden Masuulinyin ka tirsan Dowlada ee sugan gobolka gedo oo sheegey in  uu san dhaqan gali doonin heshiiska ay wada gaareen Madexweynaha Maamulka jubbaland iyo Xubnaha mucaradka ee Maamulkaasi Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.