Home Afsomali Gudoomiyaha Maxkamada dunida oo noqday Garsoore ABDULQAWI AHMED YUSUF

Gudoomiyaha Maxkamada dunida oo noqday Garsoore ABDULQAWI AHMED YUSUF

Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.  Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Garsoore Abdulqawi oo manta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.

Judge Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuu mas’uuliyad kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa  doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay  inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.

Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.

“Aniga oo ku hadlayo magaca Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliyeed, waxaan  halkaan hambalyo uga diraya Garsoore Abdulqawi Yusuf, Xaaskiisa iyo dhamaan Caruurtiisa, waxaan leeyahay ilaah ha kula garab galo Mas’uuliyada lagu doortey” ayuu yiri danjire Dr. Cali Saciid Faqi

Sidoo kale somalisan.com iyo dhamaan akhristayaasheeda waxay halkaan hambalyo ugu dirayaan Garsoore Abdulqawi Yusuf. Waxaanu leenahay Guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.