Fahad Yaasiin, waxba uma goyso Maxkamadda Sare ee dalka. Hayeeshee hadduu si dadban iyo meesha wax ka jiraan wax ka doono waa loo qaateen in ur iyo iftiin u baxo! Sababtu waa in Fahad waxa kursigiisa lagu haysto aysan ahayn oo keliya habraaca doorashada kursigaas u dhacday ee gaboodfallo iyo eedo waa weyn loo haysto!
Maxkamadda Sare wax door qaanuuni ah iyo awood sharci oo doorashada dadban ku leedahay ma jirto. Horey ayeyna sidaan oo kale Maxkamadda Sare, iskugu dayday in ay gasho galdacwadeed Xildhibaanno ashtako iyo eed loo jeediyey habraacii lagu doortay.
May 16, 2017 ayaa Maxkamadda Sare ee dalku xukun iyo go’aan laalid ah ku dul ridday siddeed {8} Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan oo khilaaf ka dhashay Habraacyadii lagu doortay.
Xildhibaanadaas waxaa ugu caansanaa kursiga dhexyiilay;
Cabdullahi Maxamed Adan (Shaacir) VS Maxamed Mukhtar Ibrahim oo doorashadiisu ka dhacday Kismaayo iyo Maxamed Axmed Abtidoon VS Caasho Xaaji Cilmi ee doorashadiisu taalay Degmada Cadaado.