Home Afsomali Gudoomiye Aadan Madoobe oo booqday safaarada Soomaaliya ee Belgium

Gudoomiye Aadan Madoobe oo booqday safaarada Soomaaliya ee Belgium

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa uu booqday Safaarada Soomaaliyeed ee Brussels, waxaana ku soo dhaweeyay Amb. Yuunis Yasiin Xaashi, oo ah Danjiraha Benelux iyo Midowga Yurub
Guddoomiyaha ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada iyo dhismaha safaarada isagoona warbxin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada safaarada, waxaana uu boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u hayaan qaranka iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale booqday hoyga safiirka oo ay leedahay safaarada kaas oo uu ka muuqdo burbur iyo dayac xoog leh, safiirka ayaana sheegay in dhawaan lagu bilaabi doono dayactir balaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.