Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax goordow halkaasi ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.
Qaraxa oo siweyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah, waxaana sidoo kale jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeedMaxamed Abuukar Cabdi iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay geerida Guddoomiye Waafoow.