Home Afsomali Gudoomiyihii gobolka Mudug Horey ayuu u sheegay in la qarxin doono waana...

Gudoomiyihii gobolka Mudug Horey ayuu u sheegay in la qarxin doono waana la qarxiyey

https://youtu.be/0EEAnVKS5xM

Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland ee Maanta qaraxa lagu dilay ayaa horay uga hadlay weeraro qaraxyo ah oo uu sheegay inay Al-Shabaab la damacsan yihiin inay ku dileen.

Wareysi uu bixiyay ayaa waxaa uu ku sheegay in ka hore Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug laga qabtay Jaakado qaraxyo ah oo lala damacsanaa in lagu dilo,isla markaana Ciidamada PSF-ta ee sirdoonka Puntland ay kusoo waregliyeen in uu muujiyo feejignaan amni.

Waxaa xilliga wareysiga laga qaaday uu sheegay in Ciidamada Sirdoonka Puntland ay u sheegeen in uu iska yareeyo tegitaanka Shirarka iyo Hotelada,balse uu aaminsanaa in mar uun uu dhimanayo.

Maanta Duhurkii ayaa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Gaari uu saarnaa xilli uu kasoo baxay Xarunta Gobolka ee Magaalada Gaalkacyo lagu dilay,isaga iyo qaar kamid ahaa ilaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.