Home Afsomali Gudoomiyihii Shaqaalaha Rayidka Cali Dheere oo Muqdisho ku geeriyooday iyo tacsi loo...

Gudoomiyihii Shaqaalaha Rayidka Cali Dheere oo Muqdisho ku geeriyooday iyo tacsi loo direy

Cali Dheere

Inaa lilaahi wa inaa ilayhu raajicuun waxaa halkaan tacsi tiiraanyo ugu dirayaaa Ciise Cali dheere oo aabahiis geeriyooday in samir iyo iimaan siiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Gudoomiyahii Gudiga Shaqalaha Raydka Marxuum Cali Ibrahim ( Cali dheere ) oo saakay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa shaqsi kaliyah oo shaqaalaha xuquuqdooda iyo mushaarkooda layska qaadan jiray xuquuqda shaqaalaha wuxuu ahaa Marxuumka u Doodaha Shaqaalaha Masaakiinta
Cali Dheere ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan laga soo celiyay isbitaal kuyaala dalka Hindiya halkaas oo xaaladiia caafimaad lagua tacaalayay.
Cali dheere ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa
Ehelada Marxuunka ayaa noo xaqiijiyay in uu xalay ku geeriyooday magalaada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay lagu daweenayay isbitaalka Difgeer ee magaalada Muqdisho.
Qaban qaabada Aaska Marxuum Cali Dheere ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in aaska ka qeyb galaan masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadweyn badan ay eheladiisa ku jiraan.
Cali Deere ayaa mudo dheer ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shaqalaaha Rayidka ee Dowlada Soomaaliya, waxaana uu isbadal muuqda ku sameeyay Guddiga uu Madaxda ka ahaa .

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.