Home Afsomali Guul kale oo u soo hoyatay Bulsho weynta Soomaalieed

Guul kale oo u soo hoyatay Bulsho weynta Soomaalieed

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadleywarbaahinta  isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka ee labada dal.

Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota.

Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi.

Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta

Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.