Home Afsomali Haan Afka ka xiran oo aan la ogeyn waxa ku jira ayaa...

Haan Afka ka xiran oo aan la ogeyn waxa ku jira ayaa Ku Soo Caarisay Xeebaha Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA _

Haantaan ayaa ku soo caarisay Xeebta Sugunta liido ee degmada Cabdi Casiis maalma ka hor balse haatan dadka ay cabsi ka muujiyeen

Badi dadka u damaashaad taga xeebta ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan haantaas oo maalmo halkaasi taalla,waxaana qaarkood dadku ay cabsi ka muujinayaan maadaama aan la ogeyn waxa ku jira haantaas.

Kaluumeysatada qaarkood ayaa walwal ka muujiyey,iyaga oo sheegay in ay ku wargeliyeen hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya balse weli aysan qaadin wax tallaabo ah.

Dhowr bil ka hor ayaa haan sidaan oo kale looga shakiyey waxa ay ku soo caarisay xeebta degmada Cadale walow marki dambe ay noqotay mid faaruq ah oo aan waxba ku jirin.

 

.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.