Home Afsomali Habka Dhaleeceenta Ama Cambaaraynta Saxan W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail ...

Habka Dhaleeceenta Ama Cambaaraynta Saxan W:Q/ Eng Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

Waan idin salaamay dhamaantiinba akhristow meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo Bini Aadam ah La Dhaleeceeyo oo la Cambaareeyo Ama Uu Wax Dhaleeceeyo oo uu Cambaareeyo Isagu, haboontahayna in loo dhigo dhaleeceenta curinteeda iyo xalinteedaba Mid Xirfadaysan oo Aqoonaysan oo aan ahyn iskala soo bood uu.

 sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadan kooban ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

Waxaa dhacda in badanaa inta aynu noolnahay aynu la kulano dhaleeceen ama eedo lagu soo jeedinayo dariiqaydoonto hasoo martee.

Ma samaynaa waxa inala gudboon ee aynu uga faa”idaysan karo dhaleecayntaa ama eedaa la ino osoo jeediyo?

Eedaynkasta iyo dhaleeceenkasta oo la inoo soo Jeediyaa waa shay muhiim ah waa hadii aynu rabno inaynu horumarino nafaheena horena usocono, sidaa daraadeen waxaa loo baahanyahay in aynu soo dhawayno oo qaabilno qofkastoo dhaleeceen inoo soo jeediya.

Midna ogow akhristow shaksi kasta oo mujtamaca kugu xeeran ka mid ah uma qiimaynayo Naftaada sida aad adigu u qiimaynayso.

Dadkuna waxa ay kuu dhaleeceen karaan ama kuu eedayn karaan si toos ah ama si aan toos ahayn ba.

Xaaladan adagna waxaa lagaaga baahanyahay inaad noqotid mid dhagaysta dadka iyo asxaabtaada ku dhaleeceenaysa, ama eedaha kusoo jeedinayaan,ixtiraama oo qaatana dhaleeceentooda.

Markasta oo uu qof ku dhaleeceeyo ama ku cambaareeyo waa inaad u qalbi furnaataa dhaleecayntaadaas adigoo eegaya waxa ay ku leeyihiin dadka wax dhaleeceenaya, ee aan eeggayn qaabka ay kuugu soo gudbinayaan dhaleeceentooda.

 Waa inaad baadhis ku samaysaa aarraa”da cad ee lagu soo jeedinyo, sidoo kalena waa inaad dajisaa qorshe aad uga faa”idaysanyso dhaleecayntaas ama cambaarayntaas.

Halkan hoose waxaan kugula wadaagi doonaa Afar qodob oo Lagaa rabo marka Shakhsi dhaleeceen kuggu soo tuuro ama ku cambaareeyo waxaad Samaynlahayd:-

  1. Marka hore ee shakhsi ku dhaleeceeyo ama ku cambareeyo, noqo mid dhagaysta akhriya u dhaga furnaada dadka wax dhaleceynaya, adigoon eegayn qaabka iyo Asluubta ay kugu soo gudbinayaan dhaleeceentoodaas. midna ogsoonow Akhristow in dhaleeceentu ama cambaarayntu sideedaba aanay ahayn Arin Fudud, Maxaa yeelay waxaad la kulmaysaa dhaleeceeyayaal ama cambaareeyayaal aan garanayn qaabka wax loo dhaleeceeyo ee loo cambaareeyo ee xirfadaysan. Ka Fogow fal celinta caadifadaysan eek u waajahan dhaleeceenta iyo fikirada dadka kale ee lagu soo jeedinayo,
  1. Baadh fikradaha iyo dhaleeceenta dhaw ee cad, lana xalinkaro isla markaaba, Tusaale ahaan hadii Mid ku dhaleeceenaya ku dhaho “Waa Inaad iska hagaajisaa Hadalka”. Waa dhaleeceen badheedh ah balse aan cadayn, markaas waxaa laggaga baahanyahay inaad waydisid inuu dhaleeceentiisa Xaddido “ma dhanka hordhacaa mise waa gebogabada iyo Isku xidhka hadlakayga.” Mar marka qaar waxaad la kulmi doontaa fikiro iyo dhaleeceen is burinaysa lkn adiga mida kula gudboon ayaa ah inaad aqabshid oo soo dhawaysid. Tusaale ahaan waxaad La Kulmi kartaa Ashkhaas ku leh “Qaabki aad bulshada u eegaysay markaad Hadlaysay way fiicnayd.” Iyo mid ku dhaha “Qaabkii aad bulshada u eegaysay markii aad khudbadaynaysay way xumeed.” Halkaa waxaa laggugu soo gudbiyey Xaqqiiqooyin jira. Saa owgeed waxaa dhici karta in bilowggii hadlakaaga aad daka si wacan u eegaysay Balse gabagabadii aadan si wacan u eegayn. Saa Owgeed waxaa kula gudboon in aad waydiisid labada qof ee ku dhaleeceenaya Asbaabta iyo waxyaabaha ay ku xukmiyeen dhaleeceentooda iyo cambaarayntooda.
  1. Qiimee dhaleeceenta lagguu soo jeedinayo oo fahan, maxaa yeelay waa muhiim in aad fahantid dhaleeceen kasta oo lagu soo jeedinayo, kadib u adeegso xirfadaada xallineed adiggoo dhaleeceeyaha ama cambaareeyaha si dibicsan ula hadlaya.
  1. Gabagabadii dejiso qorshe aad ku xalinaysid dhaleeceenahaas lagu soo jeedinayo, kadib qor points ka dhaleeceentaasi ka duulayso xalkeedana u fadhiiso, hana noqon qof ay dhibayso ama xasaasiyad ka qaba dhaleeceemaha kulul ee qadhaadh, ee noqo qof ku cibro qaata oo cashar ka barta. Waa hubaal inaad la kulmaysid dhaleeceeno kala gaddisan oo kala durugsan kala xanuun badan, lkn Ha Ka tagin ixtiraamka iyo dhagaysiga qofka hadba ku dhaleeceenaya ee  ku cambaaraynaya.

Hadaba Akhristoow hadii aad tahay qof jecelin uu wax dhaleeceeyo ama mid La Dhaleeceeyaba waxaa kula haboon in aad u martid hab xirfadaysan oo aqoonaysan dhaleeceentada curinteeeda iyo xalin teedaba.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida : (Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn tawakalka Alle SWT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.