Home Afsomali Habkii loo dilay wariye Jamaal Khashoggi: Maxaan ognahay

Habkii loo dilay wariye Jamaal Khashoggi: Maxaan ognahay

Waxaa weli socda baaritaanka qaabkii uu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi, oo hadda in la dilay shaki kuma jiro. Baarayaasha Turkiga waxay shalay galab xilli dambe galeen Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul iyagoo halkaa ku habeensaday.

Waxaa dhinaca kale markii ugu horreysay soo baxday faahfaahin sirdoonka Turkiga laga heley oo ku saabsan qaabkii loo dilay wariye Jamaal, ciddii ka dambeysay iyo halka ay suurtagalka tahay in la geeyay meydkiisa.

TALAADO 2 OCTOBER, 2018
– Saacadda Istanbul 03:29am, waxaa garoonka Ata Turk, Istanbul kasoo degey labo diyaaradood oo la soo kireeyay, kana yimid Sacuudiga. Diyaaradaha waxaa la socday 15 nin. Kaamirooyinka garoonka ayaa laga arkay 15ka nin oo maraya garoonka markii ay soo degeen.

Ilo sirdoon iyo kuwo diblomaasiyadeed oo Turkiga waxay caddeeyeen in 15ka nin isugu jireen saraakiil khaas ah oo sirdoon iyo kuwo ku takhasusay caddeymaha dembiyada oo Sacuudiga ah.

– 15ka nin waxaa soo qaaday gawaari safaaradda Sacuudigu leedahay, waxaana la geeyey hotel ku yaalla xaafadda Levent, oo ah halka ay Qunsuliyadda Sacuudiga kaga taallo Istanbul.

– Isla Talaadadaas, abbaarihii 1.14pm, waxaa xarunta Qunsuliyadda yimid Jamaal Khashoggi oo kulahaa ballan ah inuu maalintaas qaato dukuminti furriin xaaskiisii hore oo uu xareeyay toddobaad kahor.

– Qiyaastii saacad iyo bar ka hor intaanu wariye Jamaal imaan (11:46am) maalinkaas waxaa ammar fasax ah lagu diray dhammaan shaqaalihii Turkida ee ka shaqeynayey Qunsuliyadda. Waxaana loo sheegay inay guryahooda iska aadaan.

– Jamaal Khashoggi waxaa la socday Khadijo Cengiz oo ah gabadha Turkida ee uu guursan rabay. Isaga oo kaliya ayaa galay Qunsuliyadda, iyaduna bannaanka ayey ku sugeysay. Kaamiro ku xiran albaabka Qunsuliyadda ayaa laga arkay Jamaal oo sii gelaya Qunsuliyadda, isla markaana xiran Jaakad Suud madow ah iyo surwaal Kaaki ah.

– Maadaama Qunsuliyadda aan laga ogoleyn telefoonnada, wariye Jamaal wuxuu telefoonkiisa uga tegey Khadiijo Cengiz. Wuxuuse sii qaatay Saacaddiisa Smart Watch ee Apple taasoo ku xiriirsan telefoonkiisa. Wuxuuna Khadiijo u sheegay inay qeylo dhaamiso, haddii ugu yaraan afar (4) saacadood uu ku soo laaban waayo.

– Markuu galay Qunsuliyadda, waxaa wariye Jamaal salaamay sarkaal joogay albaabka. Waxaana loo gudbiyey xafiiska Qunsulka Guud oo ku yaalla dabaqa labaad ee dhismaha. Dhismaha wuxuu ka kooban yahay lix dabaq.

– Waxaa la aaminsan yahay in Jamaal su’aalo lagu weydiiyey xafiiska Qunsulka, dood iyo muran uu halkaa ka dhacay.

– Wariye Jamaal waa laga saaray Xafiiska Qunsulka Guud, waxaana loo jiiday qol kale halkaasoo lagu billaabay garaacitaan. Qof shaqaalaha ka mid ah ayaa laga helay inuu maqlay qeylo ka imaaneysay dabaqa labaad oo in cabbaar markii ay socotay joogsatay. Waxaa loo badinayaa in qolkan lagu dilay wariye Jamaal.

– Meydka Jamaal ayaa loo qaaday qol saddexaad oo isla dabaqa labaad ee Qunsuliyadda ku yaalla, halkaasoo lagu billaabay in la jarjaro/ googooyo hilbaha iyo lafaha.

– Baarayaasha Turkida waxay ogaadeen in xubnaha dilka wariye Jamaal ay la yimaadeen minshaarta lafaha dadka shiida (bone saw) taasoo u sahashay inay meydka Jamaal si fudud u kala dhi-dhigaan.

– Qiyaastii 4pm isla maalintaas waxaa Qunsuliyadda ka soo baxay lix (6) baabuur oo ay saarnaayeen saraakiisha dilka fulisay oo wata meydka Jamaal oo la soo shiiday. Baabuurta ayaa toos u galay guriga uu deggan yahay Qunsulka Guud ee Sacuudiga oo ku yaalla waddada Meselik, qiyaastii 200 mitir u jira Qunsuliyadda.

– Lixda baabuur waxay toos u galeen qeybta baabuurta la dhigto (parking) ee guriga Qunsulka, waxayna joogeen dhowr saacadood. Waxaa loo maleynayaa in meydka Jamaal lagu aasay beer ku dhex taalla guriga Qunsulka, waxaana baarayaasha Turkiga ay ka fekerayaan in beerta la faago.

– Fiidkii 15kii nin ee sirdoonka Sacuudiga, waxay ku laabteen hoteelkooda, waxayna soo qaateen boorsooyinkooda, kaddibna toos ayey u aadeen garoonka diyaaradaha. Xafiis-hayaha hoteelka wuxuu sheegay in raggan ay kireysteen qolalka saddex habeen, laakiin uu la yaabay in maalin kaliya ay degganaayeen kadibna guureen.

– Saraakiisha sirdoonka Sacuudiga ee dilka soo fuliyey waxay isu kala qeybiyeen labadii diyaaradood ee ay saaka ku yimaadeen oo weli gegida u taagnaa. Hal diyaarad waxay u duushay Dubai, halka midda labaadna ay u duushay Qaahira. Laakiin waxay labaduba markii danbe u wada jiheysteen Riyadh, Sacuudi Carabiya oo ay ka wada degeen, sidaasna waxaa xaqiijiyay barta caalamiga ee la socodka duulimaadyada.

– 1am saqda dhexe Khadiijo Cengiz waxay weli joogtaa bannaanka Qunsuliyadda Sacuudiga, iyadoo sugeysa Jamaal inuu soo laabto. Hase yeeshee waxay markan qaadatay go’aan ah inay wargeliso saaxiibadiis iyo booliska Turkida.

– Warbaahinta ayaa laga sheegay in wariye Jamaal Khashoggi uu maqan yahay.

ARBACO 3 OCTOBER, 2018

– Booliska Turkida ayaa ku dhawaaqay inay u badan tahay in wariye Jamaal la dilay.

JIMCE 5 OCTOBER, 2018

– Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay baareyso Qunsuliyadda Sacuudiga. Muran ayaase ka dhex-dhashay iyaga iyo Sacuudiga kaddib markii baarayaasha Turkida ay sheegeen inay adeegsanayaan maaddada “solvents” si ay u raadiyaan haraa dhiig iyo xinjiro goobtii lagu dilay wariye Jamaal. Laakiin markii uu Mareykanka arrinta soo galay, Sacuudigu way oggolaadeen in Qunsuliyadooda la baaro.

ISNIIN 15 OCTOBER, 2018

– Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan Sacuudiga haddii ay ku caddaato dilka wariye Jamaal.

– Galabnimadii Isniinta ayey baarayaasha Turkida galeen Qunsuliyadda Sacuudiga iyadoo saxaafadda caalamka iyo tan gudaha ay joogaan illinka Qunsuliyadda.

– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu telefoon kula hadlay Boqorka Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan uuna u sheegay inuusan waxba ka ogeyn dilka wariye Jamaal. Laakiin ay u badan tahay inay dileen saraakiil naxariis daran xilli ay su’aalo weydiinayeen.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.