Home Afsomali Hadal heyn carro abuurtay oo ka dhalatay Goáan uu soo saaray Duqa...

Hadal heyn carro abuurtay oo ka dhalatay Goáan uu soo saaray Duqa magaalada Muqdisho

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu hadal hayay goáankii shalay kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo sheegay in mushaarka shaqaalaha gobolka ee bisha September lagu taageerayo ciidamada xoogga.

Yuusuf Madaale ayaa la sheegay in uusan la tashi galin goáankii uu shalay kaga dhawaaqay bannaan bax ka dhacayay Muqdisho, waxaana la tilmaamay in goáankaasi uu ahaa kaliya mid kusoo dhacay xilligii uu khudbada jeedinayay.

Inta badan shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa ka naxay goáanka guddoomiyaha gobolka, waxa ayna sheegeen qaarkood noloshooda in ay ku xiran tahay lacagta yar ee mushaar ahaanta u qaataan ayna ku adkaaneyso xaalada haddii mushaarkooda la weeciyo.

Dadkii aragtiyada ka dhiibtay baraha bulshada ayaa inta badan ku dhaliilay guddoomiyaha gobolka goáanka uu kaligiis gaaray, waxa ayna sheegeen dadku in Madaale uusan dareemi karin duruufaha iyo xaaladaha adag ee ku hareereysan shaqaalaha hoose.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana loogu baaqay in uu ka laabto goáanka uu shaqaalaha gobolka Mushaarkood ku deeqayo, waxaana loogu baaqay in ugu yaraan qeyb kamid ah mushaarka ku deeqo ama ku deeqo midka ay madaxda sare qaataan

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.