Home Afsomali Haddaan Wasiir ahaan lahaa Taariikh ayaan sameyn lahaa !!

Haddaan Wasiir ahaan lahaa Taariikh ayaan sameyn lahaa !!

ani waa haddii ay kugu soo dhacdo in aad ku fikirto rabitaan, iyo wax kasta inaad sameyso adiga oo aan fiirin dan guud iyo dano yar yar, manfac gaar iyo mid guud toona kuu lahayn aad sharafkaaga iyo sharafka umadda ku limiso, isna waydiiso, waydiintaan oo kale, Haddaan ahaan lahaa Wasiir!

Wax macquul ah in aad dhinacyo badan ka eegto, dabcan. Haddi rabitaanku run ahaa, waxaad bixin doontaa jawaabo run ah oo cid walba fahmi karto, haddiise waxaad bixin lahayd kuwo qaldan oo ka turjumaya sidaad adigu ku sifeysan tahay, haddaba maxaan sameeyaa? Waa Su’aal weyn!

Midda kale ogaaw, caqligu waa Alle ka cabsi, Illahay dartiis uma baqayo eedaysanaha, danta dalka ayaa ka sarraysa danta gaarka ah oo dhan.

Qof kastaa wuxuu ku hoos jiraa sharciga, dadkuna waa u siman yahay sharciga, sidaas darteed, midkeen waxaa lagu kala gartaa heerka uu gaarsiisan yahay jacaylka uu u qabo waddankiisa iyo daacadnimada uu u hayo.

Waxaana inoogu wanaagsan midka ugu adeega dalka hooyo si daacad ah, oo aan cabasho lahayn, danta dalkana ay ka muhiimsan tahay wax walba, oo ay weheliso daacadnimo buuxda oo uu u hayo dalka hooyo, intaa kaddib waxaan ka bilaabayaa jawaabtayda su’aashii hore – oo ballaaran –!!!

Ugu horreyn Indhaha ayaan ku akhrinayaa, si aan wax qarsoon u arko, waxaan raadinayaa waxa qaldan, si aan u saxo, waxaan barayaa sababta ay u qabsoomi waayeen, cida dhibtu ka jirto iyo ciladaha dib u dhaca keenaya oo dil!!!

Indhuhu, waxa ay arkaan oo qalad ah, kama indha laaban doono, ilaa aan xal rasmi ah u keeno, haddii aan ka guul gaari waayo oo ay noqdaan wax ka wayn awoodeyda, waxaan noqon lahaa mid rabitaankiisa ka run sheega, ee aan manfac adduun uun xilka u hayn ee waan ka tagi lahaa, si aan u dhowro sharafkeyga iyo sharafka umadeed, waana ficil wanaagsan oo lagu garto kuwa wanaagsan iyo shakhsiyada daacadda ah.

Waan ogahay inta uu mid kastaaba ku fadhiyey kursigiisa maamulka muddo, baahidiisu dhamaad lahay, u kala baxsaneen wanaag iyo samaan, waydiimo ku qotoma xil haynta la is warsan, ciladaha iyo iinta jirtaa isku si loo arag, haddana kan wanaagsani, wuxuu ku sifoobayaa wanaag, midka xumina wuxuu la imanayaa xil ku dheg, dhagar iyo in dantiisa gaarka ah ka horumariyo wax walba,!!!!

Si aan dalka ugu hoggaamiyo dhiig fir fircoon iyo xamaasad si loo soo bandhigo waxqabadka ugu wanaagsan ee qaybahan muhiimka ah. waxaan dhiiga dhallinyarada firfircoon iyo hal-abuurka dhinacyada kala duwan, ku bixin lahaa waxa ugu wanaagsan, si looga faaidaysto hibada iyo awoodooda qarsoon.

Intaa ka bacdi, waxaan ku dadaalaa, anigoo u dhow shaqaalaha goobta, dhalinyarada ka hor, sababtoo ah waa kuwa ugu dhow ee dalka iyo muwaadinka u adeega.

Haddii aan u baahdo talo si aan ula imaado go’aan sax ah, waa in aan u hoggaansamaa ra’yiga goobta shaqada marka hore aniga oo adeegsanayo shaqaalaha goobta, kuna tiirsan kuwa igu dhow shaqadooda!!!!

Sababtoo ah waxaan ka dhigi doonaa in abaalgudku ka sarreeyo shaqaalaha da’da yar ka hor kuwa waaweyn !!!

In lagu tartamo waxqabad wanaagsan ayaa dhammaantood ku boorin lahaa, oo aan xil, mansab iyo kooxeysi jiri doonin oo uu qof walba xaq u leeyahay dadaalkiisa iyo wax qabadka uu la yimaado.

Qofka ugu waxqabadka wanaagsanina waa qofka mudan in la door bido, waayo shaqadani waa shaqo dawladeed oo la rabo in ay dal iyo muwaadin u adeegto, Shaqadu maaha mid uu qof kaligii ka taliyo una dhaqmo sidii uu doono ee shuruuc iyo hagid xindaab u ah ayaan ku hagi lahaa!!

Aniga oo wasiir ah, waa in aan ka faa’iidaysto baahida shaqaalaha wasaaradda meel kasta oo ay joogaan.

Jacaylka ay u hayaan shaqadooda, hal-abuurnimo iyo hanka sare ay leeyihihiin waxay ka soo muuqan doonaantaa shaqada, u heellanaanta shaqada iyo daacadnimada shaqadooda, daacadnimadaas shaqada, halkan iyo halkaas, waxay horseedi doontaa horumarka shaqada ee wasaaradda, waxay horseedi doontaa wax-qabad.

Adeegyada ugu wanaagsan ee dalka iyo muwaadinka, waxay u horseedi doontaa dhismaha iyo horumarka Soomaaliya sidii laga rabay ee ah shaqaale hal abuur leh. Tani waa aragti, oo aan u soo bandhigo akhristaha, oo aan macquul ahayn !!!

Si aan uga tarjumo daacadnimadayda iyo wax qabadka dadkeyga iyo dalkeyga qaaliga ah ee aan ku noolaa, wax ku bartay, kuna soo barbaaray, ka cabbay biyiha oo aan ka helay hawada macaan, ma siisteen wax raqiis ah ee waxaan u huri lahaa nafta, naf hurin tan ugu sarreysa,

Haddaan ahaan lahaa Wasiir, taariikh ayaan sameyn lahaa waxaana la imaan lahaa wax qabad muuqda oo laga dareemo goobta shaqada, shaqaalaha wasaarada, adeega bulsho ee wasaaradu bixiso, taasi oo idhaxal siin doonta sharaf ku noolaansho iyo adeege ku sifooba wanaag iyo dhaxal reeb qurux badan.

Illaahay hanagu xafido wadanka, dadkeenana illaahay ha xafido, madaxdana allaha garan siiyo inay horseedaan wanaag u noqda dhaxal reeb qurux badan.

Previous articleLabo Nin oo Sannado badan u xirnaa dilkii halyey Malcom X oo Lacag Magdhaw ah la siinayo
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo xalay ka ambabaxay dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.