HALGAMAA QARAN OO HAN SARE LEH – CUSMAAN XASAN CILMI (CUSAAMA)
CUSMAAN XASAN oo dad badani u garan ogyihiin (Cusaama) ayaa ah Siyaasi siyaasadda ka soo galay dhinaca Ganacsiga. Waa hal abuure siyaadeed iyo mid ganacsi labadaba. Waa asaasihii iskuulka Wadista Gaadiidka iyo Barashada Shuruucda Waddooyinka ee (Somali Driving & Traffic School) oo markii ugu horreysay Somalia laga hirgaliyey. Waa guddoomiyaha Xisbi-siyaasadeedka lagu magacaabo Kulan Party.
Cusmaan Xasan oo aan wax xil ah ka heynin dowladda heerarkeeda kala duwan heer Federaal iyo heer dowlad-goboleedba ayaa waxa uu haddana si cad uga dhexmuuqdaa fagaarayaasha lagu gorfeynayo Masiirka dalka oo ay isugu yimaadaan Madaxya-weynta ama Saamileyda siyaasadda ee dalka sida Madaxweynaha, Raisulwasaaraha, Madaxweyne-yaashii hore, Madaxweyne-yaasha dowlad-goboleedyada iyo Madaxda Midowga Murashaxiinta.
Cismaan Xasan kuma soo gaarin halkaan lacag lagu bixiyo oo lala daba socday, kumana imaanin xoog ama xagxagasho iyo aflagaaddo koox ama qof gaar ah loo geysto, mana dhaxlin siyaasad ay cid kale si fudud ugu wareejisay. Cusmaan ma ahan nin dadka iskala weyn oo kibir badan, mana ahan xaasid naxariis daran, ma yeelo quursiga mana qaato cadka quureed ee waa geesi aan ganbasho aqoonin.
Cismaan inta aan ka bartay waa nin jecel isku wadka bulshada iyo in la caawiyo danyarta. Cismaan oo saaxiib dhow la ah siyaasiyiinta badankood gaar ahaan midowga murashaxiinta oo uu ka mid ahaa asaasayaashii ayaa ah siyaasi garoomada siyaasadda ku jiray muddo labo kal ah (2 terms) islamarkaana aan colaadin ciddii garoonka siyaasadda kula jirta sida dad badan looga bartay.
Cusmaan waa siyaasi jecel inuu ku metelo dadka iyo deegaanka goobaha muhiimka ah ee uu kula shirsanyahay madaxda kale ee dalka. Cusmaan wuxuu Tareenka siyaasadda ka raacaa kuraasta ugu horreysa ee kama ahan dibad joog marti ka ah sida ay dad badan oo xilal muhiim ah haya ay dibad-joog uga yihiin halka siyaasadda lagu qalayo ama lagu qeybinayo sida aad ka arki doontaan sawirrada hoos idinkaga muuqda.