Home Afsomali Halis ku soo ku soo fool leh guriga Hooyooyinka iyo Ciidamo Bolice...

Halis ku soo ku soo fool leh guriga Hooyooyinka iyo Ciidamo Bolice ah oo la dul dhigay

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo Shaqaalo ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa somalisan.com u xaqiijiyay in la helay xog ku aadan in Al-shabaab ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo maqaayadda The village oo hore dhowr jeer loo weeraray.

Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa somalisan.com  u sheegay in qof ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradaha dowladda oo ku shaqeeya Guriga Hooyooyinka ay Al-Shabaab la soo xariirayn una sheegay in uu naftiisa uu ku badbaadin karo oo kaliya in uu bixiyo xog ku aadan sida loo weerari karo dhismaha Guriga Hooyooyinka.

Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in qofkaan laga dalbaday in uu u fududeeyo rag katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab in ay galaan guriga hooyooyinka si ay u soo fahmaan dhismaha oo guri aad u luuq-luuqyo badan oo hadii ay galaan aan laga saari karin ilaa Guriga la baabi’iyo.

Qofkaan katirsan Shaqalaha Dowladda oo aad loo cabsi geliyay ayaa maalin kahor ka baxay magaalada Muqdisho waxa uuna si deg deg ah ugu safray Jabuuti, ayada oo la sheegay markii uu dalka ka baxay in uu xogtaan la wadaagay hey’adaha amaanka Soomaaliya, si uu dad kale u bad-baadiyo.

Warar kale oo ay heshay somalisan.com ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay amaanka Guriga Hooyooyinka, waxaana la xiray wadooyinka qaar ee soo gala iyo kuwa ka baxa, sidoo kale waxaa la xiray mid kamid ah albaabada maqaayada The Village, iyadoo dadka lagu war-geliyay in ay taxadaraan.

Dadka ku sugan dhismaha Hooyooyinka iyo maqaayadda The village oo u badan shaqaale Dowladeed iyo Wariyaal ayaa loo sheegay in ay feejignaan galaan waxaana la kordhiyay Ciidamada ilaalada ah ee la dhigay agagaarka dhismahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.