Home Afsomali Halkuu ku dambeeyey kiiskii Ikraan Tahliil?

Halkuu ku dambeeyey kiiskii Ikraan Tahliil?

Labo sano kahor waxaa soo baxay warar sheegaya in la la’yahay gabar ka tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii June sanadkii 2021 ayaa markii ugu horreysay la sheegay in la waayay Ikraan Tahliil Faarax, kaddib waxaa socday baaritaan ay wadday dowladda Soomaaliya.

Qeylodhaan ku aaddan halka ay gabadhan ku maqan tahay iyo waxa ku dhacay ayaa qabsaday baraha bulshada.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa war ay soo saartay bishii September isla sanadkaas, waxay ku sheegtay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan oo ahayd qaybta dambi baarista internet-ka, ay ku ogaadeen in “ay dileen kooxda al-Shabaab”

Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo kale soo noqotay aggaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax.

Markii hore, Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd xilligaasi, ayaa lagu eedeeyay inay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday NISA ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen al-Shabaab kaddibna dileen.

Hase yeeshee kooxda al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jahwareer badan hareeyo kiiskan.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Wariye Xasan Cadde ee telefishinka SMS SOMALI ku faahfaahiyay marxaladihii ugu horreeyay ee kiiskan waagaasi hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.