Home Afsomali Hanjabaadaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdaladhiif Muuse Nuur Sanyere oo ka sii...

Hanjabaadaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdaladhiif Muuse Nuur Sanyere oo ka sii dadhay

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa u sheegay ganacsatada inay qeyb ka noqdaan la dagaallanka maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab, isla markaana uga digay inay argagixisada siiyaan lacago baad ah.

Cabdaladhiif Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa hoosta ka xariiqay in xididada ay u siibeen Shabakadii u qaabilsaneyd argagixisada Al-Shabaab dilalka qorsheysan ee magaalada Gaalkacyo.

“Ganacsatadu dalka ayay wax ku leeyihiin waxa ay ku ganacsanayaana waa nabadda, haddii Nabad la waayana ganacsan mayaan, Nabaduna waxa sugaya waa ciidanka, dhiig baa ku baxaya, dhaqaalaa ku baxaya, dadaal baa ku baxaya, cod baa ku baxaya, inay ganacsataduna ay qeybtooda qaataan waa waajib, anagu waxaan u jeedineynaa inay isgartaan si ganacsiga uu u kordho amnigana hagaago”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdaladhiif.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulada Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ay si wada jir ah isaga kaashanayaan la dagaallanka argixisada Al-Shabaab, uuna bogaadinayo howlgallada ka socda koonfurta Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.