Gudoomiyaha Xilkiisa ku waayay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa la amray inuusan ka dhoofi karin magaaladda Muqdisho, sida ay sheegayaan xogo hoose oo laga helay xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka.
Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa lagu wargaliyay inuu xilka Gobolka Banaadir uu si deg deg ah ku wareejiyo islamarkaana uu soo wareejiyo Accounka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo dhaqaalaha ku jira.
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye oo xeriir fiican la leh ra’iisul wasaare Xasan Cai Kheyre ayaa damacsan in kiis lagu soo oogo duqii hore ee muqdisho sida ay inoo sheegayaan ilo ku dhow dhow xafiiska Hanti dhowrka.
Xogta la helayo ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xalay Mudane Taabit uu aqbalay Xilkii laga qaaday islamarkaana uu u hambalyeeyay gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.