Home Afsomali Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaal oo oo saxiixay...

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaal oo oo saxiixay heshiis Saddex geesood ah

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Heshiiska oo soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa u gogol-xaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu Xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bahwadaagta caalamiga.

Heshiiskan ayaa sidoo kale gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardargalinayo dhaqangalinta Qorshaha Istaraatiijiyadda cusub ee 2023-2025 kaasi oo hagi doona hawlqabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.