Home Afsomali Hargeysa Shirkada Aw-Xaashi Xoor Geel Oo Xadhiga Laga Jaray

Hargeysa Shirkada Aw-Xaashi Xoor Geel Oo Xadhiga Laga Jaray

Shirkada Aw-Xaashi Xoor Geel  oo ah Mashruuc lagu dhaqayo Geela ayaa  laga daah furay deegaanka Beder-wanaag ee degmada Sabawanaag, Shirkadan oo ay maal-galisay Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo kamida qurbajooga reer Somaliland ee dalka Gadar, isla markaasna mudo dheer ka shaqaynaysay horumarinta bulshada iyo arimaha khayriga ah.

Munaasibadan  lagu daah-furaayey shirkada Aw- xaashi Xoor Geel ayaa ahayd madal kulmisay, Siyaasiyiin can ah ,Madax-dhaqameed,Dhalinyaro iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban kasoo-jeediyey, Siyaasi Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Abaabulka ee Xisbiga Waddani, Md. C/laahi Cismaan Jaamac Geeljire, Muj. Xasan Cabdi Maxamed iyo Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi , Haldoorkan oo dhamaantood ka Marwo Khadra ku hambalyeeyey shirkadan cusub ee ay yagleeshay. Iyagoo isla markaasina bulshada deegaanka  Beder-wanaag iyo Qurba-jooga deegankaas kasoo-jeeda usoo jeediyey inay ku daydaan Marwo Khadra Cumar Qardhaas isla markaasina deegaankooda ka hirgaliyaan mashaariic horumarineed oo deegaanka wax u tara.

Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo gaba-gabadii xaflada madasha ka hadashay ayaa ugu horeyn waxa ay u mahadnaqday marti sharaftii kala duwanayd iyo haldoorkii madasha kasoo qayb-galay , Marwo Khadra ayaa sidoo kale xustay inay mashruucan u samaysay sidii ay guud ahaan ugu faa’iidaysan lahaayeen bulshada deegaanka Sabawanaag iyo Cadaadley

Marwo Khadra Cumar Qardhaas ayaa dhinaca kale waxa ay bulshada deegaanka ku boorisay inay usoo-jeestaan mashaariicda horumarinta ee deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.