Home Afsomali Haweeneey taratan cunto cunis ku jirtay oo dibiryo u geeriyootay

Haweeneey taratan cunto cunis ku jirtay oo dibiryo u geeriyootay

Haweeneey u dhalatay dalkaasi Australia oo ka qeyb qaadaneysay tartan cunto cunis ah kaasi oo aan xad lahayn ayaa sababay iney markii dambe suuxdo oo ay nafteeda ku weyso.

Haweeneeyda iyo tartameyaasha kale oo ku tartarmayay cunista keegga ama doolashada ayaa markii hore la soo duubay. Keeggaasi ayaa waxaa laga sameeyay qumbaha.

Goobta ay ku suuxday oo uu tartarka ka dhacayay ayaa gargaarka degdega ah lagu siiyay ka dibna waxaa la geeyay cisbitaalka si ay daweyn u hesho balse nasiib darro markii dambe wey geeriyootay.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegey in markii ay haweeneyda suuxeysay ay afkeeda gelisay mid ka mid ah keegga taasi oo sababtay iney dhibaatooto.

Waxaa soo baxay muuqaal muujinayay daawadayaasha tartanka oo u sacbinaya tartamayasha ka hor inta uuusan shilka dhicin.

Hooteelka tartanka martilgeliyay oo ku yaalla Hervey Bay ayaa barta Facebook soo dhigay farriin ay tacsi ugu dirayeen qoyska iyo asxaabta ay haweeneyda ka geeritootay taasi oo aan magaceeda la shaacin.

Waxay adeegga ambalaaska uga mahad celiyeen isku daygii iyo jawaabtii ay ka bixiyeen shilka musiibada horseeday.

Cayaarta tartanka cunto cunista ayaa caan ka ah dalkaasi Australia gaar ahaan maalinta fasaxa lagu maamuuso dadkii reer Yurub ee ugu horeeyay ee tagay dalka Australia

Caadiyan tartamyaasha ayaa ku guuleysta abaalmarinno taasi oo ku xiran cadadda cuntada uu cuni karo qofka tartamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.