Home Afsomali Haweeney 9 carruur heysata ayaa ku dishay ninkeeda Dagmada Afgooye ee gobolka...

Haweeney 9 carruur heysata ayaa ku dishay ninkeeda Dagmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Haweeneydaani iyo ninkeeda oo lagu magacaabi jiray C/salaam Maxamed Maclin waxaa dhex maray Muran xoogan inta uusan dhicin falka dilka ah, warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaabka uu u dhacay dilka iyo sababta loo aaneynayo dilka.

Dadka Deegaanka ee saaxiibada dhaw la ahaa ninka la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda ninkeeda sababta ay u dishay ay tahay maseer ay ka qaaday haweeney kale uu la Guursaday, Balse Booliska iyo Maamulka Dagmada Afgooye ayaa baarayo sababta Rasmiga ah ee ka danbeysay dilka.

C/salaam oo ah wiilka ay xaaskiisa dishay ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay Dagmada Afgooye, waxa ay Xaaska dishay isku dhaleen Sagaal caruur ah taasi oo ka dhigan in muddo dhowr sano ah ay nolosha ku mideysnaayeen.

In haweeneyn Maseer dartiisa ay ninkeeda u disho waa dhacdooyinka Naadirka ku ah Dunida, marka loo barbar dhigo rag inta badan Maseerka dartiisa u dilo Xaaskooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.