Home Afsomali Haweeney ka mid ah Dadka Naafada ah oo Magaalada Muqdisho lagu...

Haweeney ka mid ah Dadka Naafada ah oo Magaalada Muqdisho lagu dilay

Haweeney kka mid ah Naafada Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow  lagu toogtay saf ay ugu jirtay goob laga Bixinayey Aqoonsiga Raashinka lagu Qaato

Dilka haweeneyda ayaa ka dhacay agaagarka Hotel Shaamo ee magaalada muqdishu

 

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cadar Shire ugaas waxana la sheegay xilliga la dilayay in ay ku sugneyd Dhabarka danbe hotel shaamoo ee aado laami yaraha Suube.

Haweenayda la dilay ayaa waxaa ay  ka mid aheyd dadka danta yar ee ka shaqeysta Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa somalisan u sheegay  in mid ka mid ah ilaalada Hotelka Shaamow uu rasaas ku furay  Haweeneydaas oo ka mid ahayd dad saaka lacag ka qaadanayay nawaaxiga hotelka.

Hay’adda WFP ayaa la sheegay in dadka danta yar ay lacagta u qeybinaysay, waxaana lacagtaasi loo qeybinayay ku dhawaad 1500 qof oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoona haweenaydaasi ay ka mid aheyd dadka  lacagta la siinayay.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday, iyadoona intaasi kadib ay dadka lacagta loo qeybinayay ay goobta banaanbax ka dhigeen.

Meydka marxuumada waxa la geeyey Xarunta Baarista CID ee qaabilsan dhanka baarista Dadka la dilo

 

weli wax war ah lagama soo saarin falka dhacay Balse laamaha amniga ayaa waxay ku howlanyihin Baarista marxumada la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.