Home Afsomali Haweeney ninkeeda ku eedeysayeedeysay in uu aad u liito waliba uu jilicsanyahay...

Haweeney ninkeeda ku eedeysayeedeysay in uu aad u liito waliba uu jilicsanyahay kaddib markii ay ka weysay khilaaf iyo in uu hadalka ku so celiyo marka ay wax ka codsato iyadoo maxkamadda ka dalbatay furiin.

Haweenay u dhalatay Dalka India oo ku nool deegaanka Utter Pradesh ayaa ninkeeda ka dacweesay maxkamadda.
Waxayna is qabeen 18 bilood kaliya.

waxeyna ku eedeysay inuu aad u liito waliba uu jilicsanyahay kaddib markii ay ka weysay khilaaf iyo in uu hadalka ku so celiyo marka ay wax ka codsato iyadoo maxkamadda ka dalbatay furiin.

“Ninkeygu iguma qeyliyo, mana i murjiyo xitaa, cuntada ayuu ii kariyaa oo guriga ayuu ila hagaajiyaa” ayey tiri haweeneydan oo intaas raacisay “ Markasta oo aan qalad ka galo wuu i cafiyaa, Anigu waxaan rabaa inaa la doodo, Ma doonaayo nolol uu ninkayga wax walbo igu raacaayo” ayey ku dooday haweeneydan.

Ninka qaba oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa sheegay inuu sidaas u sameeyo jaceel uu u qabo xaaskiisa darteed, Maxkamadda ayaana dib u dhigtay iney xukun ka gaarto kiiskan.

Ragow dumarku raga jilicsan kama helaan.Haye ka wrn haday arintan oo kale ku qabsato

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.