Home Afsomali Haweeney Ugaasad ah: “Ugaasnimada dhaxal uma helin ee tolkeygaa ii doortay

Haweeney Ugaasad ah: “Ugaasnimada dhaxal uma helin ee tolkeygaa ii doortay

Haweeney Ugaasad ah: “Ugaasnimada dhaxal uma helin ee tolkeygaa ii doortay
Ugaas, Garaad, Malaaq IWM marka aad maqasho waxaa kugu soo dhacaya nin ama ruux lab ah oo beeshiisa u ah oday dhaqameedka ugu sarreeya.

Kaalintaas waxaa muddo dheer lagu yaqaannay ragga, laakiin toddobaadkan ayaa haweenka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Waqooyi Bari Kenya waxay caleemo saarteen ugaasad.

Waa Xabiiba Macow Yuusuf, waxaana lagu caano shubay deegaanka Mandheera.

Warbaahinta  oo wareysi la yeelatay ayaa waxay uga warrantay waxa ay noqonayso kaalinta xagga dhaqanka ee ay beesheeda ku dhex yeelanayso, “Waxaan ugaasda u ahay beesha Dagoodiye Saransoor, waxaana la ii caleema saaray mideynta tolka iyo nabadgelyada” ayay tiri.

• Lix arrimood oo naadir ah oo ku saabsan Wabarka beesha Dagoodiye

Xabiiba ayaa sheegtay inay ugaasad u tahay dhammaan tolkeeda, balse ay si gaar ah u caleema saareen haweenka beesha.

Wabarka beesha Dagoodiye ayaa waxaa haatan ah Wabar Cabdille Wabar Cabdi. “Wabar Cabdille ma gaaro waa adeerkey, umadda dhan ayuu madax u yahay. Aniga waxaan ahay tolka hooyadood oo ay gabdhaha caleema saarteen,” ayay intaas raacisay Xabiiba.

Maaddaama marka la eego dhaqanka Soomaalida, marka ay reero wada xaajoonayaan ay ragga uun kulan ka yeeshaan arrimaha la isku hayo ayaa waxay Xabiiba sheegtay in marka reero kale lala xaajoonayo ay qaadaneyso kaalintooda, oo aysan isu arki doonin inay dumar tahay kuna habboonen. “Waqtiga kii hore maaha oo wuu is beddelay, hooyooyinka iyo ragga waa la is dhex geliyaa waqtiga hadda, waqtiga hadda la joogo meel walba wixii ra’yigaaga iyo caqligaaga ah ayaad kala hadashaa,” ayay tiri.

Xabiiba ayaa sheegtay inaysan dhaxal ku kasban ugaasnimada ee ay tolkeeda la jeclaadeen. Waxay Xabiiba intaas ku dartay in ugaasyada iyo waxgaradka beesheeda ay ku sugnaayeen xafladdeeda caleema saarka.

Howsha ugu horreysa ee aan qaban doono waa xagga nabadgelyada inaan tixgeliyo, tolkeyga taladiisa aan wado.” Ayay tiri Xabiiba Macow Yuusuf oo shalay lagu caleema saaray magaalada Mandheera.

Xaliima Jeelle oo ka mid ah haweenka caleema saaray Xabiiba ayaa sheegtay in sababta ay ugaasad ugu doorteen

ay tahay in Xabiiba ay mudo 45 sano ah beesha ku mataleysa uruka haweenka ee Maendeleo ya Wanawake.

“Sababta aan u doorannay waa qof wanaagsan, deggan oo aan hoggaamin xun ku arkin,”ayay tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.