Home Afsomali Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo isxilqaanm uga qeybqaatay 300 kiish oo...

Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo isxilqaanm uga qeybqaatay 300 kiish oo shamiinto ah

Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Qayb Qaatay Barnaamijka Is-xilqaan.

Hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo uu hoggaaminayo wasiir dawlaha xafiiska ayaa maanta ka qayb qaatay barnaaminka is-xilqaan ee lagu dhisayo Xarunta Murtida iyo Wacyi-gelinta.

Hawl-wadeennada oo uu ka muuqday diyaar garow xooggan ayaa gaaray Tiyaatarka iyaga oo kadibna guda galay qabashada shaqada dib u dhiska ah ee ka socota.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale maareeyaya Xarunta murtida iyo wacyi-gelinta, Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure, ku wareejiyay 300 oo Kiish oo Shamiito ah oo shaqaalaha xafiisku ay ku tabaruceen dhismaha Tiyaaratarka

Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure ayaa shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay shamiitada ay ugu deeqeen dhismaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta oo lagu dhisayo barnaaminka Is-xilqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.