Home Afsomali Hay-ad Mareykan ah oo u dacwooneysa Nin somali ah oo ku xiran...

Hay-ad Mareykan ah oo u dacwooneysa Nin somali ah oo ku xiran Xabsiga Guantanamo Bay

somali-mao

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee Maraykanka oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa maanta xaraysay dacwad ka dhan ah dawladda Mararykanka ayna ku diidan yihiin sii socoshada xarigga Guuleed Xasan Duraan oo 43 sano jir ah, ahna ninka keliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.

Guuleed Xasan Duraan ayaa lagu qabtay dalka Jabuuti sanandkii 2004, sida ay muujinayana dokumintiyada ay sii daayeen Aqalka Senate-ka Mareykanka.

Waxaa loo soo gudbiyey xabsiga Guantanamo bishii Sebtember sanandkii 2006 halkaasi oo ilaa xilligaasi lagu hayey isaga oo aan lagu soo oogin wax dacwad ah.

ay’adda Xuquqda Dastuuriga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay in Madaxwyene Obama iyo Madaxweyne Bush midkoonamaamulladoodi kala dambeeyey aanu wax dacwad ah kusoo oogin Guuleed, waxayna sheegtay in iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin haddana dawladdu sheegayso in lasii hayn karo muddo aan cayinnayn.

Qareenada xaruntaasi ayaa sheegay in cudur daar kasta oo dawladdu u hayso xariggaas uu kala daatay, waxayna sheegeen in meesha laga soo qabtay oo ah dalka Jabuuti ay aad uga fogtahay dalka Afghanistan.

Waxay kaloo garyaqaanadu sheegeen in Maraykanklu uu ku dhowaaqay inuu dhammaaday dagaalkii Afghanistan ee Maryakanka. Waxay sidoo kale sheegeen in xaaladaha colaadeed ee kale ee xiriirka la leh kuwa Afghanistan ee loo haystay Guuleed in loo soo xiray ay iyaguna la mid yihiin.

Waxay sheegeen in inkastoo aysan garawsanayn in xariggiisu uu sharci yahay, haddana in marka la eego shuruucda dagaalka u yaalla wax kasta oo sharciyad ah oo lagu hayey Guuleed haatan waqtigeedu dhacay.

Bishii Jannaayo 2010, ayaa laanta dawladda u qaabilsan xabsiga Guantanamo Bay ay u garatay Guuleed in lasii hayn karo iyadoo aan wax waqti ah loo qaban xilliga la sii dayn karo. Waxay sheegen in bishii Ogosto Guuleed uu hor yimid guddi dib u eegis ku sameeyey kiiskiisa kuwaasi oo iyaguna diiday in la sii daayo.

Xarunta Xuquqda Dastuuriga ah ayaa cambaaraysay kulankaasi dib u eegista ah waxayna shegtay in Guuleed uu hor yimid guddigaasi isagoo aanay la soconin wax qareeno ah, waxayna sheegeen in guddigu ay go’aankooda mar walba ku saleeyaan xog lagu helay qaab jirdil ah.

hanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.