Home Afsomali Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sanadkii 2-aad Taaba Galisy Guur wadareedka Dhalinyarada...

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sanadkii 2-aad Taaba Galisy Guur wadareedka Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka Qaba( DAAWO SAWIRADA )

Waa mid kamid ah dhacdooyinka dhaxal galka ah ee lagu xasuusan Doono Hormarinta qoyska waxa halkan kasoconaya waa aasaaska qoysas Kakooban Dhalin yaro baahiyaha gaarka qaba. wanaa meherkooda waxa Madashan loo fadhiyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa,udiin, Bahda waxbarashada, Axsaabta Siyaasada Masuuliyiin kaaocota dowalada ayaa kasoo qeyb galay Munaasabad guur wadareed loogu sameenayay ilaa 10 dhalinyaro oo baahiyaha gaarka qaba kana kooban Wiilal iyo gabdho.

hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa door weyn kaqaadatay dhisida qooysaskan iyada oo ku Kharash gareesay ilaa $25,000 oo Doolar waxaa soo abaabshay Xarunta Hormarinta Qoyska ee Guryasamo oo sanadkii labaad qabatay Barnaamijkan Guur wadareedka loogu sameenayo Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka Qaba.

Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha ururada Bulshada Raydka Cusmaan Muxudiin Tahliil Shaatax, Gudoomiyaha ururka jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Xasan, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dalka cabdiraxmaan Macalin Axmed oo kahadlay munaasabda Meherka ayaa muujiyay Sida ay ugu faraxsanyihiin in ay goob joog ka ahaadaan munaasabada sida wadajirka ah loogu dhisayo ilaa shan qooys oo ay ku midoobayaan dhalinyaro baahiyaha gaarka qabta iyaga oo ku amaanay hay’ada Hormuud Salaam Foundation Doorka ay kaqaadatay dhisida Qooysaskan.

 

Gudoomiye Ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ee gacanta weyn kageysatay bixinta kharashaadka Guurwadareedka Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo kahadlay munaasabada meherka ayaa kahadlay kaalinta hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay kaqaadato hormarinta bulshada iyo wax kaqabashada Baahiyaha Bulshada.

Sh cabdil xayi xaaji aadan oo kamid ah masuuliyiinta Xarunta Hormarinta Qoyska oo isna kahadlay munaasabada Meherka ayaa kahadlay muhiimada ay leedahay dhisida qoyska isagoo hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay taaba galinta Guur wadareedkan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Federaalka Sh Cumar Cali Rooble iyo wasiirada Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Xaniifo Maxamed ibraahim Xaabsade oo gabagabadii Munaasabada Meherka kahadlay ayaa bogaadiyay Guur wadareedkan.

 

Waa sanadkii labaad oo hay’ada Hormuud Salaam Foundation maalgaliso Guur wadareedka Dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba oo ay soo agaasintay xarunta Hormarinta Qoyska Ee Guryasamo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.