Home Afsomali Hay’adaha Amniga dalka Turkiga oo qabtay Malaayiin doolar

Hay’adaha Amniga dalka Turkiga oo qabtay Malaayiin doolar

Hay’adaha Amniga ee dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah.

Lacagtan ayaa loo xiray lix qof oo ku lug lahaa, oo mid ka mid ah uu yahay qof u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Istanbul.

Ciidamada Amniga  dalka Turkiga ayaa Eedeeysnayaasha ka soo  qabtay goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku qabteen lacagahan been-abuurka ah oo loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay Booliisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo dahabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana ayaa lala wadaagay xogta muwaadiniintooda loo xiray kiiskaan.

Lacagtan la qabtay ayaa ah lacagtii ugu badneyd ee taariikhda lagu qabto dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.