Home Afsomali Hay’adaha Amniga & Maamulka Gobolka Banaadir oo Amarro kasoo saaray Amniga Muqdisho

Hay’adaha Amniga & Maamulka Gobolka Banaadir oo Amarro kasoo saaray Amniga Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir kayeeshay amni darrada kajirta magalada muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta degmada warta-nabada ayaa waxaa looga hadlay mideynta amniga waxaana ka qeybgalay guddoomiyaasha iyo Taliyeyaasha booliiska iyo Nabad sugida ee degmooyinka dhaca bartamaha oo ilaa 5 degmo ah.

Guddoomiyaha degmada wWartanabada Seynab Xaabseey ayaa kawar bixisay waxyaabihii looga hadlay kulanka wadajirka ah oo ay yeesheen talisyada booliiska nabad sugida iyo gudomiyaasha degmooyinka bartamaha waxana ay sheegtay in Shacabka  looga digay in guryaha aysan ka kireeyaan dad aysan aqoon taas oo qatar ku ah amniga Muqdisho.

Kulankaan ay yeesheen gudoomiyaasha degmooyinka dhaca bartamaha taliyaasha booliiska iyo nabad sugida Gobolka Banaadir  ayaa imaanaya iyadoo mar qaar ay degmooyinkaas kadhacaan falal lid ku ah amniga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.