Home Afsomali Hay’adaha Amniga oo Hawlgal ka sameeyay Magaalada Muqdsisho

Hay’adaha Amniga oo Hawlgal ka sameeyay Magaalada Muqdsisho

Ciidamada  Hay’adaha Amniga ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamada Hay’adaha Amniga waxa ay ka sameeyeen Xaaafado  ka tirsan  degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid .

Sidoo kale , Wararka ayaa sheegaya in Hawlgalka  lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli gacanta li haayaan  laamaha amniga.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in Hawlgalka uu socon doonno ilaa laga xaqiijiyo Amniga Magaalaada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baaxay oo ay hay’adaha amniga ee la xiriira Hawgalkii xalay laga sameeyay Xaafadaha qaar ee magaaaladaa Muqdisho.

Hawlgalka laga sameeyay  degmooyinka qaaar ee gobolka ayaa kusoo aadaya , kadib markii weerar ku bilowday  qaraxyo ay Al-Shabaab  geysteen degmada  Kaxda ee gobolka Banaadir , kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.