Home Afsomali Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) M Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo Al-Shabaab.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay la adgaalanka Al-Shabaab ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in waxa loogu yeero Argagixisada laga dhammeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.