Home Afsomali Hay’adda Caafimaadka Aduunka Ee (WHO ) Oo Xukuumadda Ku Amaantay Xakamayntii...

Hay’adda Caafimaadka Aduunka Ee (WHO ) Oo Xukuumadda Ku Amaantay Xakamayntii Covid19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Geneva ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ee (WHO ) waxaa lagu guddoonsiiyey bilad sharaf weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda  Caafimaadka Adduunka  Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa waxay abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta xarumo caafimaad oo ku shaqeeya tamarta qorraxda. Xarumahan caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Waxaana xusid mudan in xiligii uu dalka saameeyay COVID-19 ay wasaaraddu ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada (Oxygen) kuwaas oo 100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay gobollada kala duwan ee dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha caafimaad ee ku  shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS. Qorshahan ayaa waxaa laga damacsanyahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee hey’adu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishaan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan u soo hooyaan hanaanka caafimaadka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.