Home Afsomali Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dagmada...

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dagmada Dharkenley. (DAAWO SAWIRADA )

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dagmada Dharkenley.
Hay’ adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Maanta Deeq gaarsiisay Dadka kasoo Barakacay Gobolka Shabeellaha hoose iyadoo deeqda ku wareejisay Markazu Raxma si ay ugu qeybiyaan barakacayaasha
Deeqdann ayaa waxa ay qeyb katahay barnaamijka afurinta dadka dantayar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaa raashiinka hay’adu gaarsiisay xarunta alraxma ay isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir loogu talagalay qoysaska dantayar.
Gudoomiye ku xigeenka hey’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan ibraahim Cilmi “Kobac” ayaa sharraxaad ka bixiyay Deeqdan ay dadka barakayaasha ah gaarsiiyeen iyo waxa ay ka kooban tahay, isagoo sheegay In ay hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay sii wadi doonto caawinta dadka masaakiinta ah Bisha barakeysan ee ramadaan
Dhanka kale Axmed Shiikh Mustafa oo kamid ah Maamulka Markazu raxma ayaa Hay’adda Hornuud Salaam Foundation uga mahad celiyay Deeqdan ay soo gaarsiiyeen si loogu qeybiyo dadka masaakiinta ah ee kaso barakacay Gobolka Shabeellaha Hoose eek u sugan degmada dharkenley gaar ahaan siliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.