Home Afsomali Hay’adda NISA oo howlgal ku qabatay dad looga shakiyay inay katirsan yihiin...

Hay’adda NISA oo howlgal ku qabatay dad looga shakiyay inay katirsan yihiin Al-Shabaab

 

Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howgal qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyey xaafadaha  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka  Baay.

Ciidamada ayaa howlgalka oo ahaa mid Guri guri ah ka sameeyay Xaafadaha kala ah Bardaale, Isha  iyo Wadajir, waxaana lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay  in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo Ciidanka ay ku wadaan baaritaano.

“Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgallo joogta ah ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed si loo adkeeyo amniga deegaanka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hay’ada NISA ayaa sheegay inay howlgallada noocan ay sii wadi doonaan ilaa deegaannada koonfur galbeed lagaga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.