Home Afsomali Hay’addda Hormuud Salaam Foundation oo wasaarada Caafimaadka iyo Maamulka Isbitalka Martini ku...

Hay’addda Hormuud Salaam Foundation oo wasaarada Caafimaadka iyo Maamulka Isbitalka Martini ku wareejisay 1,500 oo haamood oo Oksajiin ah . ( DAAWO SAWIRADA )

Iyadoo ay sii korortay xaalada caafimaad daro ee ka dhalatay xanuunka Covid-19 oo ay dad badan u geeriyoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay islamarkaana wasaarada caafimaadka ay shaacisay in uu sii faafayo cudurka, isla markaana ay jirto Oksajiin la’aan baahsanna ayay maanta hay’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay wasaarada caafimaadka DFS ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus.

Munaasabadan ay hay’adda HSF oksajiinka ku warejineysay  ayaa waxaa kaoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan HSF ,Wasaarada Caafimaadka iyo masuuliyiin kale.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  Cali sheikh yaasiin oo ku hadlayay magaca hay’adda HSF waxa uuna faah faahin ka bixiyey oksajiinka ay maanta ugu deeqeen dadka soomaaliyeed ee la xanuunsanayo xanuunka Karoona Virus asagoo sheegay in Hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation ay markasta ka go’antahay garab istaaga umada soomaaliyeeed .

 

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Caafimaadka DFS  Dr .fowsiya Abiikar Nuur waxayna uga mahad celisay maamulka hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation sida joogtada ah ay u garab taaganyihiin shacabka soomaaliyeed gaar ahaan marka ay timaada xiliyadan oo kale xaaladaha adag ee uu dalka ku soo laba kacleeyay Covid-19.

 

Waa markii labaad mudo 10 maalmood guduhood ah oo ay maamulka hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation Oksajiin ugu deeqaan shacabka soomaaliyeed ee uu hayo xanuunka Covid 19 .

Deeqdan oksajiinka ka ah ee gaaraysa 1,500 oo haamood ee maanta lagu wareejiyey wasaarada Caafimaadka ayaa ku soo aadaysa xili  wasiirka caafimaadka maalinimadii shalay ahayd ay sheegtay in Oksajiinka uu aad ugu yaryahay isbitalada lagula tacaalayo  dadka qaba covid 19.

Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa tan iyo markii uu dalka soo galay COVID-19 ilaa iyo hada door muuqda ka

qaadanaysay wacyi galinta, ka hortaga iyo  la dagaalanka Cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.