Home Afsomali Heestii Dhul aan ceel lahyn baan dhaankii u rarayaa Codsi Dadweyne

Heestii Dhul aan ceel lahyn baan dhaankii u rarayaa Codsi Dadweyne

heeso-hore

Ku soo dhawaada qoraalka heesta ka hadleysa Midnimada soomaaliyeed in aan laga maarmi karin

waxaana heestaan si wada jir ah u qaaday Kgaro daahir Cig iyo Saaco Cali Warsame

Dhul aan ceel lahyn lyrics

 

Dhul aan ceel lahyn lyrics

Khadro daahir:
Dhul aan ceel lahyn baan
Dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaad iyo
Dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay
Dhankaan anigu kaa xigo
Dharka la ma yaqaannee
Dhuub baannu xirannaa
Adna dhogorta xoolaha
Malaha waad ka dhigataa

Lyrics by somalisan.com

Buuraha dhexdoodiyo
Dhagax baan ku seexdaa
Adna wax i ma dhaantide
Dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa

Dhulkaan kala fogaadiyo
Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Saado Ali warsame:
Kolkaad adigu dhimataa
Naftu iga dhaqaaqdaa
Kolkaad adigu dheregtaa
Dhibaatadu i daysaa
Dheehaaga wacan baan
Aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii aad reebtaa
Dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhawaadana
Waad iga dhaqaaqdaa
Anna ku ma dhagaystee
Dhegahaan kaa furaystaa
Dhaandhaan haddaan ahay
Adna dhoohanaad tahay

Dhulkaan kala fogaadiyo
Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Wadajir
Kool haddaan dhuuxiyo
Dhiiggii ka siman nahay
Midabkiyo dhawaaqiyo
Diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan-wadaag nahay
Dhudhunkaad i goysaa
Waa dhantaalan-kaagee
Labadeennu dhuun iyo
Dhogor baan ka dhigannee

Dhidibkaynnu taagniyo
Dhismihii adkaan jiray
Inaan kala dhantaalnaa
Dheg-xumiyo yaab iyo
Talo dhacantay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
Aayaha dhasheenniyo
Midnimada ma dhawrnaa?

Walaal heestan waxaa sameeyay Abwaan Cabdi Qays, wakhtiyadii dagaalada sokooye ka socdeen waqooyi intayna dawladii milataragu dhicin.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.