Home Afsomali Heshiis horudhac ah oo laga gaaray dagaal dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray dagaal dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed

Kadib kulan ay yeesheen Maamulada degmooyinka Balanballe iyo Shilaabo oo ay wehlinayeen Saraakiisha Ciidamada liyuu Boliska iyo Taliska Booliiska Balanballe ayay uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa dagaal  eeleed geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah, kaas oo ka dhacay degaanka Qurax shire ee qabalaha ffadhi-garaadlleee dowlad degaanka Soomaalida.

Shirka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo Beeleedayaa waxaa laga soo saaray ilaa Afar qodob, kuwaas oo xal looga gaarayo dagaal Beeleedka oo ah mid  soo laab laabtay, waxana qodobada ay kala yihiin.

1-In Ciidamada ammaanku kala dhex galaan maleeshiyaadka oo hub ka dhigis lagu sameeyo muda 24 Saac ah Gudahood

2-in laamaha amniga looga dambeeyo Amniga Goobaha Dagaalku ka dhacay

3-In la sameeyo aag ka caagan Hubka ciddii Hub la timaadana lagala wareegayo.

4-In la Qabto shirar xal loogu raadinayo dagaaladii dhacay

Dhinaca kale waxaa Maanta lagu wadaa in degaanka Dhabbad ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay shir looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa dagaal Beeleed maalmihii la soo dhaafay ka socday duleedka degaankaas, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.