Gudomiye Ku Xigenka dib u hishiisinta Mamulka Gobolka Hiiran Maxamed Sheikh Maxamuud Dhoboy, Gudomiyaha Degmada Mattaban Bashiir Shekeeye Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Abdikaafi shire Colaad Sarakiil Ciidan Sida Gutaada 21naad Iyo Qeybta 27 Naad Ciidanka Xoga Dalka Somaliyeed oo ku Guleeystay in Xabad Jogin Kala Dhexdhigaan Beello walaalo Ah oo dhawaan kudagaallamay Deegaano Hoosyimaada Degmada Matabaan Ee gobolka Hiiraan.
Hishiis xabad joojin ah ayaa waxaa wada gaaray labo beelood oo walaalo ah oo dirir ku dhexmartay deegaanka Afar-irdood 40 waqooyi galbeed uga beegan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Maamulka degmada Matabaan oo uu hogaaminayo Bashiir Cabdiraxmaan sheekeeye, kan gobolka Hiiraan, odoyaasha dhaqanka, iyo ciidamo ka tirsan dowladda dhaxe ee Soomaaliya sida qaybta 21,27 iyo kuwa booliiska ayaa goobjoog ahaa madasha ay hishiishka ku gaareen meelaha Beellaha walaalaha Ah
Labada dhinac ayaa isla gartay in xabada la joojiyo si sharuud la,aan ah, in ciidamada lakala qaado kadibna go’gol dib u hishiisiin la isugu yimaado mudo sadax bari kadib ah,loogana wada hadlo sidii nabad waarta loo heli lahaa.
Laamaha amniga ayaa qaatay masuuliyada fulinta hishiiska kuwaas oo la wareegay dhamaan goobihii dirirtu ka dhacday, halka maamulka gobolka iyo kan degmada Matabaan uu balan qaaday fidinta go’gosha nabadeed ee lagu hishiiyay.
Qodobada Heshiiska.
1: waxa ay ku ku dhawaaqay xabad joojin taaso malmihi laso dhaafay ka taagneen deegaanka.
2: in la kala qaado ciidanka.
3: waxaa la isku afgartay 3 maalin oo mudo shareeco ah taas oo dib shirkale la isugu soo laaban doonan
Sikastaba ha’ahaatee Waxaa Intabadan Deegaannadaas Kadhaca Dagaallo udhaxeeya Qabaa’illa Halkaasi waddada
waxaana Tiro ka dhowr jeer ay Maamulka Hirshabeelle kan Galmudug , Wax garadka odayaasha dhaqanka ee Ka soo kala jeedeen beelaha Dagaallamaya Ay sheegeen in dib u heshiisiin laga sameeyay deegaanada Ay dirirtu ka taagantahay balse taasi manoqon mid siiwaarta Oo dirirta ayaa ah mid war waliba soo laablaabata