Home Afsomali Heshiis Taariikhiya Oo Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Iyo Imaaraadka Carabtu

Heshiis Taariikhiya Oo Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Iyo Imaaraadka Carabtu

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay  Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

 

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku  xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

 

Heshiiskan ayaa noqon doona mid  wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale  ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

 

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.