Home Afsomali Heshiis Xalay Dhalay looga Noqonayo wixii ka dhacay Hiiraan oo ay isla...

Heshiis Xalay Dhalay looga Noqonayo wixii ka dhacay Hiiraan oo ay isla gaareen beelaha Ceyr habar eji iyo Xawaadle Cali Madaxweyne DAAWO SAWIRADA )

Waxaa maanta Deegaanka Teedaan ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan heshiis dhaxal gal ah KU dhex Maray Beelaha Habaraji iyo Cali Madaxweyne oo wada daga Degmada Maxaas, qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa ahaa in dhamaan deegaamada lagu dagaalamay ay ka caaganyihiin hubka cidi lagu qabtana lagala wareegayo hadii ay diidana lagu dilayo.
Waxaa mudo 40 Casho gudahood ah lagu balamay in gogol nabadeyn ee balaaran laba reer isugu imaadaan si loo dhameystiro heshiiskaan .
Waxaa heshiiskaan waqti badan ku bixiyay saraakiisha ciidanka Xooga dalka qeybahooda kala duwan iyo maxkamada ciidanka qalabka sida oo iyagu sabab u ahaa guushaan maanta la xaqiijiyay.
Waxaan u mahad celinayaa dhaqanka labada beelood oo iyaguna KU dadaalay in colaada la xakameeyo heshiisna la gaaro.
Waxaa sharaf gooni ah ii aheed in aan maanta heshiiskaas Goobjoog ka ahaado madaama aan nabadeynta deegaankaas waqti badan ku soo bixiyay .
Ugu dambeyn waxaan u mahad celinayaa saaxiibadeyda reer HirShabeele ee arintaan kaalinta lixaada leh ka qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.