Home Afsomali Heshiiskii xabbad-joojinta Yemen oo markale la cusboonaysiiyey

Heshiiskii xabbad-joojinta Yemen oo markale la cusboonaysiiyey

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinacyada ku lugta leh dagaalka dalka Yemen inay ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojin dalka oo dhan ah muddo laba bilood oo kale ah.

Dedaalada dib loogu cusboonaysiiyey xabbad-joojinta ayaa rajo gelinaya dadweynaha dalkaas ku nool oo sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ku dhex noolaa dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socday, hase ahaatee weli waxaa jira caqabado kala duwan oo ku gedaaman in la gaadho nabad waarta oo si rasmi ah loogu soo afjaro colaadda dalka Yemen.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen iyo weliba mucaaradka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa dhaqan gashay 2-dii bishii April ee sannadkan, inkasta oo marar kala duwan uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay heshiiska xabbad-joojinta ah ee la gaadhay.

Dib u cusboonaysiinta xabbad-joojinta dalka Yemen ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay ku ekayd inay dhamaato xabbad-joojintii hore ee labada bilood ahayd. Qaramada Midoobay ayaa dedaal badan ku bixisay sidii natiijo iyo is-faham looga gaadhi lahaa colladda dalka Yemen, iyada oo ka odayaysay in heshiiska xabbad joojinta ah la gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.