Home Afsomali Hey’adda Qatar Charity oo daah furtay barnaamij lagu afurinayo kumanaan Qoysas ah

Hey’adda Qatar Charity oo daah furtay barnaamij lagu afurinayo kumanaan Qoysas ah

Hey’adda Qatar Charity oo ka mid ah  hay’addaha ka howlgala dalka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyay shacabka Soomaaliyeed si wax ku ool ah kaalmo u gaarsiisay ayaa bilowday barnaamij afurin.

Qatar Charity ayaa qoysas gaaraya illaa 4500 oo qof ku kala sugan qaar ka mid ah gobolada dalka u sameysan afurin, waxaana barnaamijkan afurinta uu socon doonaa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee xafiiska Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa sheegay in hay’adda Qatar ay mar kasta ka go’antahay inay hawlihii ay horay shacabka u haysay ay sii labalaabayso bisha Ramadan.

Kaalmadaan afurinta ah ayaa ku soo beegantay xilli ay shacbka Soomaliyeed  ay u baahnaayeen inay helaan kaalmo noocaan ah.

Hey’adda Qatar Charity ayaa waxaa Soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007, howlaha uu qabto waxaa ka mid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, afurinta dadka Sooman, Caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeynta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.