Home Afsomali Hindiya Aroos uu qarax ka dhacay, warqad iyo qof aan la filayn...

Hindiya Aroos uu qarax ka dhacay, warqad iyo qof aan la filayn oo laga shakiyay…

Kaddib baaritaan ballaaran, booliska Hindiya ayaa macallim wax ka dhiga koleej dalkaasi ku yaalla waxa ay uu soo xireen “qarax ka dhacay guri ay lamaane isku arooseen” oo uu ku dhintay nin markaas un guursaday xaaskiisiina ay ku dhaawacantay. Soutik Biswas ayaa ka soo warramaya sida uu isbadelka aanan la filayn ugu yimid baaritaanka lagu hayay dilkii ay ka amakaageen dadka Hindiya.

Warqadda oo ku jirtay bashqad la soo tiimbareeyay ayaa waxa ay bilowgii Abriil soo gaartay guriga xilli barqo kulul ah.

Qofka soo diray ayaa dusha kaga qoray “Warqad muhiim ah” oo ku socota taliyaha booliska ee Balangir, halkaas oo ah degmo ku taal baadiyaha gobolka Orissa.

Waxa ay aheyd warqad aanan la garanayn cidda soo dirtay si adagna loo soo qoray, kana koobneyd 130 eray oo Ingiriisi ah. Waxa ayna warqadda ka hadlaysay hadiyad bambaano ah oo dishay caruus magaalada ku aqalgalay.

Soumya Sekhar Sahu, oo ahaa 26 injineer dhanka barnaamijyada kumbuyuutarrada ah ayaa dhintay, xaaskiisa Reema oo 22 jir aheyd-na waxaa soo gaaray dhaawac culus, kaddib markii u furay kartoon ku socday, shan maalmood kaddib markii uu guursaday bishii Febaraayo.

Sidoo kale Sahu ayeeyadii oo 85-jir aheyd ayaa iyana qaraxaasi ku dhimatay.

Booliska ayaa sheegay in kartoonka qof isku magacaabay SK Sharma uu ka soo diray deegaanka Raipur ee gobolka dariska ah ee Chhattisgrah, halkaas oo 230km u jirta goobta uu qaraxa ka dhacay. Magaca iyo adareeska laga helay warqadda ayaa been abuur ahaa sida uu boolisku sheegay.

Warqadda ay sheegeen in loo soo diray taliyaha booliska Balangir ayaa waxa ay ku bilaabanaysay diidma ah in “fariin qaade gaar ah” uu qoraaga u soo dhiibay warqadda si u u gaarsiiyo halka loo rabay. Si degdeg ah ayeyna halkii ku gaartay.

Waxaa warqadda lagu sheegay in kartoonka uu bamka ku jiray uu soo diray qof isku magacaabay SK Sinha, ee ma aheyn RK Sharma. Waxay kaloo warqaddu tiri saddex nin ayaa “ka qeyb qaatay mashruuca” weliba “haatan waa ay fogaadeen oo ma joogaan meel boolisku uu ka soo qaban karo”. Sababta qaraxa ayuu ku sheegay qofka warqadda soo qoray inay aheyd “khiyaamo” uu ku kacay caruuska iyo lacag. Sababta koobaad ayaa u muuqatay jaceyl uu madmadow soo dhexgalay, halka midda labaadna ay u muuqatay muran hanti.

“Xitaa dilka qoyska oo dhan inooma noqonayo magdhaw aan kaga kaaftoonno khasaaraha ina soo gaaray,” soo diraha ayaa qoray.

Dhammaadka warqadda ayaa lagu qoray cod xooggan, oo qoraaga ayaa yiri boolisku waa inuu “iska aamusnaadaa” oo “uusan waxyeelayn dadka aan waxba galabsan, ka shakiyin amaba uusan su’aalo aan loo baahnayn waydiin.”

Yaa soo diray hadiyadda bambka aheyd ee uu ku dhintay caruuska?
Muddo ka badan bil ayaa dhowr iyo labaatan baarayaal waxa ay su’aalo waydiiyeen in ka badan 100 qof oo ku kala sugnaa afar magaalo oo lala xiriiriyay dilka – kuwaas oo saaxiibo iyo qaraabo la ahaa lamaanaha uu weerrarku qabsaday. Waxa ay dib u eegeen kumannaan cod oo ah wicitaannada mobile-ka, sidoo kale waxa ay baareen laabtoobyada iyo taleefannadii ay lahaayeen lamaanaha.

Dambi baarayaasha ayaa eegay codka qof u goodinayay ninka dhintay kaas oo la duubay sanadkii la soo dhaafay kaddib markii uu inanta doonay, waxa ayna ogaadeen in uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo yaqaanay inanta uu guursan rabay ninka, taas oo uu ku eedeeyay “inay khiyaantay oo ay ka raacday nin qani ah”. Iyagoo middaas ka duulaya ayey ninkii soo qabteen kaddibna su’aalo waydiiyeen. Markii dambase waa ay sii daayeen markii ay ogaadeen inuu yarka boolaxooftayn un uu waday.

Baarayaasha ayaa sidoo kale waxa ay qoreen liiska magacyada dad ka badan toban kuwaas laga shakisan yahay, hasayeeshee ma aysan helin wax dadkaasi lagu dabageli karo. Kiiska waa uu sii daciifayay, hasayeeshee maadaama dadweynaha iyo warbaahintuba ay cadaadis wadeen ayaa dowladda waxa ay kiiska ku wareejisay waaxda baarta dambiyada waa weyn.

In ka badan 300km meel ka fog caasimadda gobolka Bhubaneshwar ayaa madaxa waaxda baarta dambiyada Arun Bothra waxaa warqad la soo sawiray loogu soo diray barta ay bulshada ku wada xiriirto ee WhatsApp. Mr Bothra waa 50-jir weriye ahaa oo noqday boolis, waxa uuna la wareegay baaritaanka.

“Habeenkii iyo maalintii oo dhan waxaan akhrin jiray warqadda, waa hubaal inaan boqol jeer akhriyay. Wax badan ayaan ka fahmay,” ayuu ii sheegay.

“Waa ay iska caddeyd in qofka warqadda soo diray uu ka ogaa qaraxa wax ka badan inta aan ka ogeyn, oo marka uu soo qoray waxaa soo diray fariin qaade, waxa uu doonayay inuu inoo sheego in dambigu uusan gaysan qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxa uu doonayay inuu inoo sheego in falkan ay saddex qof fuliyeen. Si dhab ah in warkiisa loo qaatana wuu rabay, marka waaba isagoo rabay inuu meesha ka saaro magaca beenta ah ee uu adeegsaday oo waxa uu caddeeyay in boolisku ay khalad sameeyeen,” ayuu yiri Mr Bothra.

Mr Bothra ayaa baaray faylashii kiiska, waxa uuna soo helay in boolisku uusan si sax ah u eegin rasiidka kartoonka..

“Haddii aad si dhaw u eegtid qoraalka, magaca waxa uu aad ugu dhaw yahay SK Sinha ama SK Singh – bal fiiri xariiqa ugu dambeeya. Booliska, warbaahinta, iyo dadkii ka badbaaday qaraxa waxa ay ku celcelinayeen qofka kartoonka soo diray waxa uu ahaa SK Sharma. Maadaama aannu ogeyn inuu magac been ah isticmaalayna, maynan isku mashquulinba.”

“Waxaan aad u dareemay in dilaaga laf ahaantiisa uu soo diray warqadda. Siduu ku ogaaday in SK Sinha uu soo diray kartoonka? Khalad weyn ayuu sameeyay. Warqadda ayaaba noqotay halkii laga tix raaci lahaa baaritaanka.”

Baaritaan weyn oo ay sameeyeen saynisyahannada ayaa lagu helay astaanta faro aan meelno loo raaci karin oo laga helay warqadda. Waxa ay isku dayeen inay qofka warqadda soo diray ku raadiyaan candhuufta uu mariyay bashqadda si uu isugu dhajiyo, hasayeeshee cidna lama helin.

Dambi baarayaasha ayaa nuqulka warqadda waxa ay u direen waliidiinta wiilka dhintay. Waxaa la waydiiyay inay ku arkeen wax un ka shakiyeen. Hooyada dhashay wiilka la dilay, oo macallimad ka ah koleej halkaas ku yaal, ayaa aad ugu laalaabatay warqadda.

“Hooyada ayaa markii dambe sheegtay in ay suuragal tahay inuu warqadda soo qoray qof ay wada shaqeeyaan kaas oo maadada Ingiriisiga ka dhiga koleejka. Waxa ay sheegtay in warqadda ay u qoran tahay qaabka uu ninkaasi wax u qoro iyo weliba erayada uu isticmaalo. Kaddibna waxa ay tiri arrin la yaab leh, oo aheyd in macallimka uu badanaa adeegsado jumlada ‘dhameystiridda mashruuca,’ ayuu yiri Mr Bothra.

Xafiiltanka goobta shaqada  Punji Lal Meher, oo 49-jir ah, ayaa todobaad kaddib markii uu qaraxa dhacay waxaa la waydiiyay su’aalo. Hooyada dhashay wiilka ku dhintay qaraxa ayaa booliska u sheegtay in ninkan uu dhibay markii ay sanadkii hore kala wareegtay xilka maamulaha koleejka. Waxaa la sheegayaa in labadaasi qof ay si xun isula dhaqmi jireen, hasayeeshee ugu dambeyntii Mr Meher ayaa isdajiyay.

“Dhab ahaantii ma aynaan helin wax aan ku baarno Mr Meher, waxyar oo shaki ah xitaa ma uusan jirin. Waxaannu u malaynay inay arrintu aheyd un xafiiltanka dhanka shaqada oo kaliya,” mid ka mid ah baarayaasha ayaa yiri.

Koontooyinka uu Meher ku leeyahay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa waxaa ugu qoran in uu koleejka ku biiray 1996, maareeyana uu ka noqday 2014.

Waxaa la gaaray xilligii dib looga fikari lahaa kiiska oo waxaa loo yeeray Mr Meher si su’aalo loo waydiiyo, Mr Bothra ayaa u sheegay baarayaasha. Marka sidii ayey sameeyeen.

Mr Meher ayaa waxaa la sheegay inuu booliska u sheegay inuu galabkaas u baxay inuu soo lugeeyo, markii uu nin joojiyay, warqadna uu u dhiibay kaddibna uu ku cabsi geliyay inuu dhibaato u gaysan doono haddii uusan u safrin magaalada Blangir warqaddana uusan gayn.

“Waxa ay aheyd sheekadii ugu yaabka badneyd ee uu inoo sheego qof laga shakisan yahay,” ayuu yiri Mr Bothra.

Sida uu boolisku sheegay, Mr Meher ayaa sheegay in bishii Oktoobar uu bilaabay inuu gato baaruud, xilligaas oo Hindiya ay u dagaaldegaysay munaasabadda Diwali. Waxaa la sheegay inuu waxyaabo hubka laga sameeyo gatay taas oo uu qaraxa ka sameeyay. Bilo gudahood qaraxa diyaar ayuu ahaa, booliska ayaa sidaasi sheegay. Waxa uu boolisku rumaysan yahay in walxihii qarxayay uu kartoon dhexgaliyay kaddibna uu ku xirxiray waxyaabo muujinaya inay tahay hadiyad.

Baarayaasha aya sheegay in arooryo diiran oo bishii Febraayo ah uu ninkaasi diyaar u ahaa inuu bambaanada u diro goobtii ay ku socotay.

Subaxii ayuu ka qeybgalay shir uu koleejku lahaa, cashar ayuu bixiyay, gurigii ayuu ku laabtay, haddiyaddii ayuu kartoon galiyay kaddibna baaskiilkiisa ayuu u qaatay khadka tareenka ee ugu dhaw. Waxaa lagu eedeeyay inuu taleefankiisa guriga uga tegay oo boolisku waxa uu rumaysan yahay inuu doonayay in loo maleeyo inuusan gurigaba ka bixin. Kaddibna safar laba saac iyo bar ah ayuu u galay Raipur isagoon goosan wax tigidh ah si uu isaga ilaaliyo inay soo qabtaan kaamarooyinka lagala socdo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ammaankaba ee ku rakiban meesha laga jarto tigidhada, booliska ayaa sheegay.

Booliska ayaa u dhigaya sheekada, in Raipur markuu tegay uu baaskiil qaatay kaddibna uu uga sii wareegay bajaaj oo uu booqday laba shirkadood oo kuwa xamuulka qaada ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeney joogtay dukaankii koobaad ee uu tegay ay waydiisay waxa ku jiray kartoonka. Mr Meher ayaa la sheegay inuu qalqalay, kaddibna uu kartoonkiisii qaatay.

Markii uu dhiibayay kartoonka ayuu ku qoray inay tahay hadiyad iyo waxyaabo macmacaan ah, booliska ayaa sheegay in Mr Meher uu u sheegay inuu soo raacay tareenkii habeenka soo baxayay saqdii dhexena uu joogay gurigiisa. Wax ka yar todobaad ayuu kartoonkii safray 650km oo waxaa lagu kala wareejiyay saddex bas iyadoo afar gacmoodna ay isku badbadaleen ka hor inta aanay 20-kii bihsii Febraayo gaarin Patnagarh. Saddex maalmood kaddibna bamkii waxa uu ku qarxay guriga Sahu. Mr Meher ayaa ka qeybgalay xafladdii arooska iyo middii aaska ee loo sameeyay caruuska.

“Aad baan uga carooday arrinta, waanan u qaadan waayay bahdilka la ii gaystay,” ayaa la sheegay in Mr Meher uu u todobaadkii tegay u sheegay booliska.

Mr Meher ayaa haatan waxaa gacanta ku haya booliska, halka weli uu soconayo baaritaanka, ilaa haddana ma uu jiro wax qiraal ah oo la hayo.

SOURCE: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.