Bogagga hore ee warbaahinta Hindiya ayaa waxaa dib ugu soo laabtay xiriirka aan wanaagsanyn ee dhiigga caadada ku dhacda gabdhaha da’da yar.
Machad ku yaalla gobolka Gujurat ee dhaca galbeedka Hindiya ayaa gabdhaha ardeyda ka ah lwaxay la kulmaan faquuq ku addaan dhiigga caadada ah ee ku dhaca oo macallimiinta haweenka ah ayaa ku khasba iney bixiyaan sarwaalkooda si ay u caddeeyaan iney qabin dhiigga caadada.
68 gabdhood ayaa si khasab ah fasallada looga soo saaray oo la geeyay suuliga, halkaasi oo gabadh kasta lagu khasbay iney bixiso kastuumadeeda si looga baaro dhiigga caadada.
Dhacdadaan ayaa waxay Talaadadii ka dhacay magaalada Bhuj. Gabdhaha ayaa waxay arday ka yihiin Machadka gabdhaha ee Shree Sahajanand oo ay maamulaan madhabta maal-qabeenka ah ee Swaminarayan oo ka mid ah diimaha dalkaasi Hindiya.
Waxay sheegeen in sarkaal ka tirsan qeybta jiifka ee Machadka uu u soo dacwooday maamulaha maalintii Isniinta ahayd in qaar ka mid ah ardeyda ay jabiyeen sharciga dhiigga caadada ah ee haweenka.
Sida sharciyaasi ay qabaan, haweenka qaba dhiigga caadada ayaanan loo ogoleyn iney galaan Macbadka Hinduuga iyo Jikada iyo sidoo kale iney taabtaan ardeyda kale.
Xilliyada cunnada ayaa waxaa laga rabaa iney fariistaan meel ka fog ardeyda kale, iney nadiifiyaan weelasha ay ku cunteeyaan iyo fasallada. Waxaa kaloo laga doonayaa iney fariistaan kuraasta dambe ee fasalka.
Mid ka mid ah ardeyda ayaa BBC-da u sheegtay in maamulka qeybta jiifka ee machadka uu hayo liiska iyo magacayada hablaha uu ku dhaco dhiigga xaydka, taasi oo maamulka ka cawineysa iney ogodaan xaaladda gabdhahaasi.
Balse labadii bilood ee la soo dhaafay ma jirin hal gabadh oo uu liiskaasi magaceeda galay marka sidaa darteed Isniintii waxay maamulka qeybta jiifka ee Machadka ku dacweeyeen gabdha iney jikada galeen, u dhowaadeen Macbadka Hinduuga iyo iney ku dhex milmeen ardeyda kale.
Arrinta dhacday ayaa waxay ku tilmaameen mid xanuun badan oo ku reebtay qarracan, taasi oo xitaa maskixiyan dhibaato u geysatay.
Aabaha mid ka mid ah ardeyda ayaa sheegay in markii uu yimid Machadka ay gabadhiisa iyo ardey ay u yimaadeen kadibna ay oohin bilaabeen. ”Aad ayay u naxasanaayeen”, ayuu yiri.
Khamiistii koox ardey ah ayaa bilaabay dibed bax ay maamulka Machadka ka kaga soo horjeedeen iyagoo ku eedeyay iney ardayda dhibaato u geysteen.
Jimcihiina Guddiga haweenka Gujarat ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo ”Ficilkaasi anshax darrada ah” waxayna ardeyda ku boorriyeen iney soo baxaan oo ay muujiyaan caradooda.
Haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ayaa waxaa dalkaasi laga rumeysan yahay inay yihiin dad wasakh ah isla markaasna looma ogolo dumarka Hindiya inay ka qeybgalaan munaasabadaha diimaha iyo kuwo bulshada.
Sannooyinkii lasoo dhaafay, dhaqamadan gurucan ee ka dhanka ah haweenka waxaa loolan ugu jiraa sidii lagu ciribtiri lahaa aqoonyahanno iyo da’ yar dalkaas u dhashay.
Waxaa jira dhacdooyin muujinayaa in dhibaato lagu hayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, gaar ahaan haweenka kasoo jeeddo qoysaska saboolka ah ee aanan helin wax waxbarasho ah ama aanan helin cid u dooddo. Waxay tallaabadan ku reebtaa noloshooda saameyn dhanka caafimaadka ah.
Dalalka Indonesia, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale ayaa waxay haweenka siiyaan maalin fasax ah marka uu ku dhaco dhiigga caadada. Waxaa sidoo kale tallabadaas sameeyay shirkado gaar ah.