Madaxweynaha Maamulka puntaland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kaasi oo sii joogi doono inta ay dhinac u dhaceyso dorashada madaxweyne ee dalka
Gaas ayaa earaku sheegayaan in uu la socon doono hadba xaalka doorashadu halka ay mareyso isaga oo maamulkiisa uga wakiil ah
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkisa ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa waxaana uu ku biirey xildhibaanada dowlad afadaraalka ah ugu jira reer Puntland ee garawe lagu soo doortay
Cabdi weli iyo xildhibaanada lagu so doortay garawe suxul duub ugu jira in madaxweynaha la dooranayo uu noqdo mid ka soo jeedo Puntland oo musharaxiin badani ka mid yihiin inta isa soo sharaxdday waxaana la filayaa in ay dooran doonaan cunmar cabdirshiid ama Dr faroole.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa shegay in Puntland ay xaq u leedahay inay wax ka ogaato arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya isla markaana ay taageerayso isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya.
‘’maanta aniga iyo wefti balaadhan ee aan hogaaminayo oo uu ka mid yahay gudomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaan u soconaa magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhicidoonto doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, dabcan Dawladda Puntland waa qayb muhiima oo ka midda Dawladda Faderaalka Soomaaliyeed waxayna rabtaa inay wax ka ogaato isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya, waxaa ku xidhan Masiirkeeda, waxaa ku xidhan horumarkeeda, waxaa ku xidhan wada jirkeeda iyo midnimadeeda Soomaaliyeed markaa inaanu ogaano, korjoogtayno, ka war-qabno waxa kasoo baxaya gabagabada doorasha Soomaaliya waa mid muhiima’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Arintaan ayaa ku soo beegnmeyso xili Muqdisho laga sugayo in ay marti galiso hogaamiyaasha madasha wada tashiga qaran oo qaarkood horeyba u joogeeen inta kalana la sugayo si ay doorashada joobgoogeyaal uga ahaadaan.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0