Home Afsomali Hogaamiyeyaasha N.F.D oo kenya ka dalbaday in ay warkiisa keento afduubane Cabdiwahaab...

Hogaamiyeyaasha N.F.D oo kenya ka dalbaday in ay warkiisa keento afduubane Cabdiwahaab sheikh

Kenya oo laga dalbaday in ay war cad ka keento Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Afduubtay dalkaasi

Hoggaamiyeyaasha waqooyi bari Kenya, oo uu horkacayo xildhibaanka galbeedka Wajeer Axmed Kolosh, ayaa ka dalbadey dowladda Kenya, iney war ka keento Prof Cabdulwahaab Sheekh Cabdulsamad.

Prof. Cabdulwahaab, oo ah falan qeeye katirsan shirkadda Horn of Africa, ayaa 8-dii bishan September, 2021-ka laga afduubtey wadada Turbman ee magaalada hoose ee Nairobi.

Hoggaamiyeyaasha ayaa la hadley warbaahinta , ka dib markii ay kulan la qaateen aggaasimaha hey’adda dambi barista Kenya, George Kinoti.

Aggaasimaha ayaa sheegay iney bilaabeen baaritaanka, sababihii keenay in falan qeeyihii shirkadda Horn of Africa laga afduubto magaalada Nairobi.

Illaa iyo haatan lama ogga meesha uu kusugan yahay Prof Cabdulwahaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.