DEGDEG: Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud oo doonayey in isaga iyo Ciidankiisu furaan aag dagaal oo kale, ayaa diyaaraddii Siday oo Cadaado ku wajahneyd waxaa dib u celiyey dowladda iyo Maamulka Galmudug oo iskaashanaya.
Xog ogaallo arrintan ay quseyso ayaa iisheegay in Wadaadku Damacsanaa inuu dowladda ku furo dagaal, kahor inta aan la qaadin weerarka lagu Ciribtirayo Khawaarijta ee Galmudug looga sifaynayo dhawaantan.
Damaca Wadaadku wuxuu ahaa inuu ka dago Cadaado, ugu dambeynna Baabuur uu ku tago deegaanada kale ee uu damcay inuu ka billaabo dagaalka dowladda uu ku qaadayo.
Horay ayaa Wadaadka iyo Xertiisa Xabad looga saaray Dhuusamareeb, waxaana jira is diyaarin kale oo ay wadaan. Lama dhayalsan karo xoogga Ahlu Sunna.