Home Afsomali Hoggaamiyihii Ugu Dambeyay Midowgii Soviet-Ka Oo Geeriyooday

Hoggaamiyihii Ugu Dambeyay Midowgii Soviet-Ka Oo Geeriyooday

Mikhail Gorbachev, oo soo afjaray dagaalkii qaboobaa ee aan dhiig ku daadan, balse ku guul-darraystay in uu ka hortago burburkii Midowgii Sofiyeeti ayaa dhintay Talaadadii isaga oo 91 jir ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Moscow.

Gorbachev, oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soofiyeedka, wuxuu sameeyay heshiisyo dhimis hubka ah oo uu la galay Mareykanka iyo iska

ashi uu la sameeyay quwadaha reer galbeedka, si meesha looga saaro caqabadaha adag ee siyaasadeed, militari iyo fikir ee kala qeybiyay Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, loona keeno dib u midoobidda Jarmalka.

Laakin dib u habeyntii uu ku sameeyay gudaha waxa ay ka caawisay in uu wiiqo Midowgii Soofiyeeti ilaa heer uu burburay, xiligaasi oo madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay “masiibadii juqraafiyeed ee ugu weyn” qarnigii 20-aad.

“Mikhail Gorbachev wuxuu dhintay caawa kadib xanuun halis ah oo daba dheeraaday” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay cisbitaalka dhexe ee Russia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.