Home Afsomali Hoggamiye Kuxigenka Golaha Fulinta ee Mamulka SSC-Khatumo, Dr. Maxamed Cabdi Ismacil oo...

Hoggamiye Kuxigenka Golaha Fulinta ee Mamulka SSC-Khatumo, Dr. Maxamed Cabdi Ismacil oo ay weheliyan Duqa Degmada Lascaanod

Hoggaamiye Kuxigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan Duqa Degmada Laascaanood Mudane Cabdirixiin Cali Ismaaciil, Xoghayaha Degmada Laascaanood Boos Dubbad Boos iyo Gudidda Caafimaadka ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hawl-Galladda Hay’adda ICRC, Cyril Juarena.
Hoggaamiye Kuxigeen Dr. Mohamed Abdi ayaa warbixin ka siiyey mas’uuliyiinta ICRC xaaladda guud ee deegaanka iyo maxaabiistii laga qabtay maleeshiyada Somaliland.
Madaxa Hawl-Gallada ICRC oo uga mahadceliyey Maamulka SSC-Khaatumo sida bani’aadamada leh ee ay ula dhaqmeen maxaabiista ayaa aqbalay in ay taageero u fidin doonaan maxaabiista xiran iyo kuwa dhaawaca ah. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in ay gacan ka geysan doonaan baahida guud ee deegaanada SSC-Khaatumo, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo biyaha.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.